Baarlamaanka Ciraaq ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay samayso jadwal ay kaga baxayaan ciidamada Shisheeye Dalkooda

Baarlamaanka Ciraaq ayaa hirgeliyey go’aan ay kaga codsanayaan xukuumada inay dajiso jadwalka ay uga baxayaan Ciidammada shisheeye ayna hogaaminayso Washington, kaas oo taageero siinaya ciidamada Ciraaq intii lagu jiray dagaallada ka dhanka ah ururka “Daacish”.

“Golaha Wakiilladu waxa uu go’aan ka gaadhay go’aan ay xukuumaddu ugu baaqayso in ay jadwal u samayso ka bixitaanka ciidamada ajnabiga ah ee Ciraaq,” ayuu yidhi afhayeenka Aqalka Wakiilada Saleem al-Jubouri ka dib markii uu u mahad celiyay dhammaan waddamada Ciraaq isbarbar taagay dagaalka ka soo horjeeda Waxa uu ku sheegay Budhcada Daacish.

Isbahaysiga oo ay sameeyeen Maraykanku sannadkii 2014, waxa uu ka koobnaa 50 dawladood, haddase waxa uu gaadhayaa ilaa 74 dawladood waxaana intaas dheer hay’adaha caalamiga ah sida INTERPOL iyo NATO.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso