Saxafi ka Mid Ah Shabakadani Toggaherer Oo Booqday Maktabada Baarlamaanka Somaliland Ayaa Ku Soo Arkay Wax la yaab leh.

(Toggaherer)-Saxafi ka Mid Ah Shabakadani Radio Toggaherer Oo Booqday Maktabada Baarlamaanka Somaliland Ayaa Ku Soo Arkay Wax la yaab leh.

Mid ka mid ah saxafiyiinta ka howlgala shabkada Toggaherer oo booqday maktabada xarunta Baarlamaanka Somaliland ayaa goobtaasi ku soo arkay Buuga xaaji Cabdi waraabe  Ee SAMO TALIS oo si weyn uga dhex muuqday buugaagtii goobtaasi taalay .

Iyadoo buugaasi ay ku qornaayeen,taariikhda guunka ee xaaji Cabdi Waraabe iyo nuqulo ay ka mid ahaayeen shirweynayaashii nabadeynta shacabka walaalaha ah ee qarankeena somaliland ,gaar ahaanna  shirweynihii Burco Iyo Kii Borama oo uu xaajigu goob joog ku ahaa,halka sidoo kelana ay buugaasi ay ka muuqatay khilaafkii masuuliyiinta xisbiga Ucid Soo kala dhex galay iyo kaalintii uu xaaji cabdi waraabe ka qaatay daminta khilaafkaasi.

Geesta kelana waxaa buugaasi (Samo  Talis) waxaa ku faahfaahsanayaa xalinta khilaafyadii uu xaajigu ka qaybqaatay  oo ay ka mid ahaayeen xalinta khilaafkii golaha wakiilada somaliland oo ay mudanayaashu ku kula qaybsanaayeen iyo mudanayaasha Aqalka Golahaasi Guurtida Somaliland oo khilaaf ka dhex qarxay xiligii xukuumadii hore Ee Daahir Rayaale,iyadoo xaajigu mudanayaasha aqalkaasi isku keenay ,waxaana Gudidii Ergada xalinta khilaafkaasi ka mid ahaa Marxuun -Sheekh Axmed Sh, Nuux furre Alle ha Unaxariistee.

Dhinaca kalena waxaa maktabadaasi baarlamaanka Somaliland la dhigaa oo lagu kaydiyaa dhammaan shuruucda iyo xeerarka Uu baarlamaanku beel mariyo.

Daawo -Muuqaalada maktabada Buugaagta Baarlamaanka Somaliland leeyahay:

Soo Diyaarinta -Caydaruus Cismaan(Ayuubi).

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso