Gartay aan isaqoonsano waxanse garan waayay kula lihi..Q.4aad

Qormadan maanta waxa aan ku soo afmeeri doonaa taxanahii toosinta iyo tusaalaynta ku fool lahayd jiritaanka qaranimada Jamhuuriyada Somaliland iyo gebi ahaanba inaynaan wax la yeelan dawlad ku sheega federalka Somaliya. Waxan hore u soo iftiimiyay wax yaabaha weli aynu wadaagno sida dirayska ciidamada,hawada iwm. Waxan leeyahay dalkan JSL waa inoo soo afjaraa arrimaha siyaasadeed ee ku salaysan kula lihi.

Markaa waxan Madaxweyne Muse u soo jeedinayaa inuu talaabo geesinimo leh ka qaado oo aynu noqono 2ba dal oo aanay ka dhaxayn wax wada lahaansho balse aynu nahay 2ba dal oo jaar ah.

Ta 2baad wada hadalada waa inaynu ka duulaa:

1.Dhinaca sharciga inaanay jirin oo 2dii dal ku midoobeen balse

   Caadifadii doonista 5ta somaliyeed uun isu gaysay 2da dal.

2.Dawladii ka dhalatay caadifada ee ahayd Jamhuuriyada

   Somaliyeed inay burburtay,doonistii 5ta Somaliyeed na halkaa ku

   luntay.

3.La soo noqoshada madaxbanaanida JSL oo ahaa go’aan shacbi.

4.Afti laga qaaday shacabka jsl una codeeyay 97% inay JSL tahay

   Dal madaxbanaan kadib markay burburtay doonistii 5ta

   Somaliyeed.

Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa Madaxweyne Muse inuu wada hadalada lala gelaayo dawlad isku sheega federalka Somaliya u soo xulo gudi isku dhaf ah 7xubnood(6da gobol + Garyaqaan).Xubnahaasi waa inay noqdaan kuwo aqoon u leh nuxurka wada hadalada,ka horna qorshe ka sii yeeshaan waxay miiska la tagayaan oo ah rabitaanka shacabka.

 

Allaa Mahad Leh.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

4026100

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso