waxa qabadka wasiirka wasaarada hurumarinta maaliyaddu uu ku talaabsaday

27/02/2018
Ugu horayn waxa aan halkan ka salaamaya saxaafada madaxa banana iyo shacabka JSL meelkasta oo uu ka jooga daafa aduunka.
hadii aan fikirkayga kuso dhawaado waxa aan qalinka u qaatay inan kaga hadlo horumarka shaqo iyo waxa qabad ee ay ku talaabsatay intii uu wasiirka Cusub ee Wasaaradda horumarinta Maaliyaddu xilka wasaaradda hayey Yuusuf Maxamed Cabdi waxa jirtay in xilgii Dawladii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (siilanyo) ay talada haysay in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadu aanay waxa shaqa ah oo hagaaga sani aanay ka socon bal iskaba daaye aad moodaysay in maslaxada gaara lagag faa,iidaysanayey oo aanay wax shaqa ah oo ka kala soconaysay aanay jirin balse Mushaharka uun ay dadka qaara u soo doonan jireen waxa kale oo iyana meesha si cad uga muuqatay in ay xaga shaqaalaha aan loo sinayn ee reer keliya uu u badna wax yaabaha aan la qarin Karin waxa ka mid ahayd in ay cadaalad daro badani ka jirtay,intii ay xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi talada haysay ee uu xilka hayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi uu dhaqaajiyey shaqadii Wasaaradda ee Taagnayd waa xaheeda kala duwan waxanu u magacaabay raga badan oo wasaaradda ka shaqaynyey oo aqoon badan u leh shaqada Wasaaradda bale ilaad dawladii siilanyo aan wax shaqo aan hayn waxa uu si cadaalada uu isugu isugu soo dhaweeyey shaqaalaha waaxaheeda kala duwan waxa uu Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu uu meesha ka saaray kharshaad badan oo si qayra macquul ah isga bixi jiray oo ah.
1- Sida stetioneryga
2- Shidaalka
3- Is berbarka
4- Guna xilledyo aan caadi ahayn
Waxa kale oo u dhaqaajiyey shaqad Wasaaradda oo uu isku xidhay hay,adihii la shaqayn jiray Wasaaradda hay,adaah oo dad gaari ku lacag qaadan jireen markii hore oo si toos ah ula shaqeeyey Wasaaradda Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxa kale oo uu ka shaqeeyey sicir Baraka wadanka aafeeyey inuu wax badan ka qabtay isaga oo Mdaxwaynaha somaaliland Muuse Biixi Cabdi u xil saaray Gudi ka kooban gudi ka kooban Galaha Wasiiradda oo uu gudoomiye u ahaa wallow arinka sicir Baraka uu hoos u dhigeen yanay wada joojin hadan waxa badan ayey ka qabteen Waxa aan odhan kara wa Wasiirkii ugu firin fircoona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Mr Yuusuf Maxamed Cabdi Waxa aynu ka wada dheregsanay in sidii dagaalkii lala galay dawladii siyaad bare waxii ka danbeeyey ay in gaari dheefsato wadanka oo aanay cid kale aanay waxba uga ogolayn waxana loo baahanyey in dheefta wadanka loo wadaago si siman oo cadaaladi ku jirto taas ayey shacka Somaliland ku niyad samanayan.waxa aan leeyahay (Rag cadaalad Waayey sidii cawsha kala yaac)

Alla Mahad leh
Q/L: Asakarmire
Email: askarmire30@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso