Budhcada Hargaysa W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Budhcada Hargaysa
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Waxa sanadadan u dambeyey ka soo if baxay magaalada caasimada ah ee hargyesa dhalinyaro budhcad ah ku waas oo u socda raxan ama kooxo islamarkana ista hubka kiisa aan qarxin sida baangado midiyo budhadh qasabado iwm. Islamarkana dadka xoog ku baadhanya iyagoon u kala aabo yeelayn mid yar iyo mid wayn toona kana xoogaya waxa uu sito qofka ay qabtaan ha u badnadaan waxa ay guranyaan talafoonada gacantuye qof kii isku daya in uu iska caabiyana dilya islamar kaana isgu tagaya ,

Dhalinyaradan budhcada ahi waxa ay magaalada hargeysa dadka xoog u baadhaan inta badan habeenkii sacadaha 7:00fiidnimo ilaa 11:00 habeenimo mark ay kaaso horbaxaan waad ka argagaxaysa habka ay u yacayaan iyo bankadaha ay sitaan marka aad qiyaasto da dooda waxay u dhaxysaa 15 jir ilaa 25 jir dhaqan kooda iyo iyo muuqaal koodu waxa ay shabahaan dad aan diin iyo dhaqan toona la hayn; wayo?

Marka aad eegto hanaank ay u labisan yihiin iyo sida ay timaha ujarteen

Waxa ay xidhan yihiin saraawiil lugaha miiq lag dhigay dabadana laga riday timaha waxay la hadheen in yar ood moodo kiir atoor xanaaqay
Kabaha waa qaar aan balash loogu talo galin ,
Hadaba is waydintu waxay tahay yaa dhalay ma jawaan baa laga soo urgufay ?

Lagamasoo hurgufin jawaan ee waalidkii dhalay waa xay waana ay joogaan waxanay qaarkood u haystaan inay ubadkoodu wax soobaranyaan halka qaar kalan ay u hastaan in ay kubad soo ciyaarayan halka kuwo kalana aanay warba u hayn meel ay ubadkoodu jiraan waxana dhacda marka ay ciidamada nabadgalyadu falalkan foosha xun ku xidhaan in waalidkoodu ku doodan in ay masaajidka ku jireen iygoon warba u hayn meesha ay joogeen ,

Masuuliyada dhibka ay gaystaan yaa leh ?

Runtii waxa leh waalidkii dhalay een iyagoon warba kahayn meel ay joogan hadana ku doodaya marka la xidho qarkood masaajidka ayey joogeen ;

Hadii ay sidan ku sii socdaan maxay keeni karaan ?

Runtii waxay keeni karaan khasare wayn shaqo caadi ah na way u noqon doonta hadh iyo habeena way boobi doonaan dadka wanay ku faani doonaan

Kuwa ka sii yaryarina way ka baran doonaan sidan ay u dhaqmayaan magacyana way la bixi doonaan lacagta suuqa iska wadhanina ma wadhnaantoonto bulshada oo dhana way saamayn doonaan

Maxaa lagaga hortagi karaa ee xal ah ?

Xalka kowaad ee lagaga hortagi karaa waa iyadoo waalid kii dhalay ay ka war hayaan ubadkooda talaabo na ka qadaan

Xalka labaad;

waa cidamada nabadgalyada oo talaabo xoogan ka qaada iyaga iyo waaliid kii dhalayba yaga oo kashanaya bulshada ku dhaqan magalada xeelad tooda ka casrisana layimaadaan
Xalka sadexaad;

waa dhammaan bulshada oo meel uga soo wada jeedsata islamarkaana ilgaar ah ku eegta kana tashataCiidamada nabadglayada qarnkana gacan buuxda ku siiya sidii dhalintaa wadada toosan loogu ridi lahaa .

W/Q: Cabdiraxmaan Rashid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso