Serbia Oo Qabqabtay Maraykan Lagu eedeeyey Inay Sawiro Ka qaadayeen Xarumo Milatari!!!!


Booliska Serbia ayaa xidhay sideed shisheeye ah, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo reer Ukrain iyaga oo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay sawiraan xarumaha millatariga ayna isku dayeen inay galaan, saraakiisha Serbian ayaa sidaas sheegay saaka.

Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Serbia Alexander Volyn ayaa sheegay inuusan dooneynin in uu ka hordhaco kiiska siddeedda qof ee la xidhay, laakiin wuxuu intaas ku daray: “Waa wax laga xumaado in dad badan oo ajaanib ahi ay isku dayayaan inay jebiyaan goobaha rasmiga ah ee ciidanka Serbia.”

Sidoo kale muwaadin Mareykan ah ayaa lagu xidhay Serbia horaantii bishan isaga oo hubaysan, warbaahinta maxaliga ah ee Serbian-ka ayaa soo warisay in tuhmanaha ahaa askari hore oo maraykanka ahaa qorsheynayayna weerar uu ku qaado saraakiisha Serb.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso