Gudaha Ka Eeg :Israa’iil Oo Weerar Ku Qaaday Marinka Qaza .

Israa’iil ayaa xarumaha ururka Xamaas ee Marinka Qaza waxa ay ku qaadday duqeymo lixaad leh oo dhanka cirka ah, kuwaas oo ay kaga jawaabayso weerrar bambaano oo lagu qaaday ciidammadeeda.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inuu beegsaday sideed iyo toban goobood oo uu isticmaalo ururkaasi Falastiiniyiinta.

Gantaal laga ganay Marinka Qaza ayaa waxa uu ku dhacay guri ku yaal koonfurta Israa’iil.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay inay weerrareen warshad hubka lagu sameeyo iyo kannaal dhulka hoostiisa mara oo ay Israa’iil uga soo qaadaan weerrarada, iyo sidoo kale goobo kale oo lagala socdo dhaqdhaqaaqa.

Dhakhaatiirta ku sugan Qaza ayaa sheegaya in laba Falastiniyiin ah ay ku dhawacmeen weerarrada cirka ah ee ay qaadday Israa’iil halka saddex kalena la la’yahay.

Gantaal laga ganay Marinka Qaza ayaa ku dhacay guri ku yaal koonfurta Israa’iil, kaas oo sababay in dhawaqa digniinta laga maqlo tuulooyinka ka ag dhaw xuduudda.

Israa’iil ayaa weerrarka lagu qaaday ciidammadeeda waxa ay ku eedaysay Xamaas, weerrarkaas oo warbaahinta Israa’il ay ku tilmaantay inuu ahaa midkii ugu halis badnaa ee aaggaasi ka dhaca muddo sanada ah.

Israa’iil waxa ay muddo saddex jeer ah dagaal ku qaadday ururka Xamaas tobankii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay ogyihiin in colaadda ay si dhaqso ah ku fidi karto.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso