Diyaarad Ku Burburtay Iiraan Oo Ay Lixdan Ruux ku Nafwaayeen

(Toggaherer)-Diyaarad Ku Burburtay Iiraan Oo Ay Lixdan Ruux ku Nafwaayeen.

Lixdan iyo lix qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku burburtay dalka iiraan.

diyaarad

Diyaarad sidday rakaab gaaraya 60 qof ayaa ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla bartamaha dalka Iiraan.

Diyaarad sidday rakaab gaaraya 60 qof ayaa ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla bartamaha dalka Iiraan.

Warbaahinta gudaha dalka Iiraan ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku soo dhacday magaalada Semirom ee gobolka Isfahan.

Diyaaradda ayaa isaga kala goosheysay magaalooyinka Tehraan iyo Yausj, waxaana sida la sheegay saarnaa 60 qof oo rakaab ah iyo lix qof oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo gurmad ahayd ayaa lagu soo waramayaa in ay u suurtageli weyday in ay gaarto goobta ay diyaaradda ku burburtay sababo la xiriira cimilada oo aad u xun awgeed.

Ilaa haatan lama si rasmi ah looma oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay burburka diyaaraddaasi oo ay la hayd shirkadda diyaaradaha ee Aseman ee dalkaasi Iiraan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso