Maxkamad ku taal Kenya oo xabsi ku xukuntay haweenay Uu Qabay Imaam Masaajid oo hore Loo dilay


Maxkamad Kenya ah ayaa ku xukuntay 10-sano oo xabsi ah Haweenaydii uu ka tagay imaam xagjir ahaa kadib markii lagu helay inay ku lug lahayd weerar lagu qaaday saldhig bilays oo ku yaal magaalada bari ee Mombasa.

Maxkamad la soo taagay ayaa xukuntay Haniya oo lagu eedeeyay in ay taageertay sadex weerar oo lagu qaaday saldhiga bilayska ee Mombasa bishii Sebteembar 2016.

Weerarka ayaa lagu dilkii askari bilays ah waxaana loo qabtay saddex haween waxaana la aaminsan yahay in haweenkani ka tirsan Kooxda Daacish.

Haniyeh waa haweenayadii Abboud Rogo Mohammed, oo ahaa imaamka masaajidka wayn ee Mombasa, oo loo tixgeliyey muuqaalka xagjirnimada ee Kenya ka hor inta aan lagu dilin magaalada 2012-kii oo lagu eedeeyay inuu qorayo dhalinyarada Kenyanka ah si ay uga barbar dagaalamaan dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ee Soomaaliya.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso