Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Holland oo Iscasilay Ka dib Fadeexad Been ah oo uu ka SheegayKulan uu la yeeshay Putin

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Holland Halbi Zelstra ayaa is casilay kadib markii uu qiray in uu been ka sheegay kulan uu la yeeshay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin sanadkii 2006 ka hor booqasho uu ku tagayay Moscow maanta.

“Waxaan sameeyay khalad, waxaanay ahayd inaan taas samayno, ma arko wax kale oon ka ahayn in aan iscasilo,” ayuu yidhi sida ay warisya Kanaalka RTL.

Ka hor intaanu iscasilin, baarlamaanka Dutch ayaa u yeedhay Zilstra inuu ka hadlo been abuurkiisa ku saabsan kulanka uu la yeeshay Putin.

Safaaradda Ruushka ee Nederland ayaa ku sheegtay war saxaafadeed maanta ay soo saartay in fadeexadda qirashada ee Zeelstra ay tahay arrin daakhili ah.

Zilstra ayaa loo qorsheeyay inuu u duulo Moscow maanta oo Arbaca ah si uu wadahadal ula yeesho dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso