Dibadbaxyo Cusub Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Oramiya

Hargeysa(Toggaherer)-Dibadbaxyo cusub Oo laga Soo sheegayo Gobolka Oramiya..

Dad dawladda ka soo horjeeda ayaa saddex maalmood oo mudaharaado ah ka wada gobolka ugu wayn Ethiopia ee Oromiya, kuwaas oo dalbanaya in la sii daayo dhamaan siyaasiyiinta iyo warfidiyeenkii la xidhay intii ay socdeen rabshado dalkaa ka dhacay laba sano ka hor.

oromiya

Wadooyin badan ayaa la xidhay meheradaha ganacsiguna waa la xayiray markii shalay Isniintii uu bilaabmay mudaharaadku.

Xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia ayaa sheegay in dhamaan eedaymihii lagu soo oogay siyaasi mucaarad ah oo aad loo yaqaan oo la yidhaa Bekele Gerba la yidhaa la laalay kuwaas oo ahaa kicin dadweyne iyo horseed qalalaase.

Sannadkii 2016-kii ayaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay dalka waxaana la xidhay tobanaan kun oo dad bannaan baxayey ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso