Daawo-Maxay Ka Wado Hadleen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiilada Somaliland?

(Toggaherer)-Maxay Ka Wado hadleen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiilada Somaliland?

Mudanayaasha Gudida joogtada Ee Golaha wakiilada somaliland ayaa maanta waxay xarunta Baarlamaanka kulan xogwareysi ah kula qaateen Masuuliyiinta komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Gudoomiyaha guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland C/qaadir Iiman Warsame ayaa si faahfaahsan uga waramay kulankaasi ay la qaateen mudanayaasha Guddida joogtada Ah Ee Golahaasi wakiilada somaliland,waxaanu sheegay in ay ka wado hadleen Doorashooyinka Soo socda Ee Golahaasi wakiilada iyo doorka la rabo in ay Asxaabta Qaranka Somaliland ay ka qaataanba.

Dhankiisan Gudoomiyaha Guddida Joogtada Ee golahaasi wakiilada Somaliland Xil -Cali OBsiye Diiriye (Cali Gabiley) ayaa si qotodheer sharaxaad uga bixiyey kulankaasi xogwareysigga ahaa ee ay la yeesheen Masuuliyiinta komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Daawo-

Advertisement

Ku Xayeysiiso