Nin Midi ku Hubaysan oo ku Dhaawacay Afar Ruux Indonesia


Nin ku hubeysan Midi ayaa weeraray dad ku sii jeeday kaniisad ku taal jasiiradda Yogyakarta maanta oo Axad ah, iyada oo afar ka mid ah ay ku dhaawacmeen ka hor intii aanay toogan bilaysku, Sidaa Waxa SHeegay Masuuliyiinta Jasiirada Java.

Bilayska ayaa sheegay in ay baadhayaan weerarka waxayna aamminsan yihiin in ninka falka geystay uu ahaa arday jaamacadeed ,Magaalada Yogyakarta waa xarun dhaqan oo ku taal jasiiradda ugu weyn ee dalka.

“Ma xaqiijin karno in dhacdadani la xidhiidho argagaxisnimo … Waxaan xaqiijin karnaa in tuhmanaha la qabtay oo lagu daaweynayo isbitaalka,” ayuu yidhi Yuliyanto afhayeenka Booliska.

Waxuuna intaa ku daray in bilaysku ka toogtay caloosha qofka weerarka qaaday, oo aan weli la ogaan, Mana cadda dhaawaca gaadhay inta uu leeg yahay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso