Shan qof oo lagu dilay Toogasho ka dhacday magaalada Kentucky ee Maraykanka..


Shan qof ayaa Axaddii maanta lagu dilay laba goobood oo ku yaal gobolka Kentucky ee waqooyiga bari ee Maraykanka.

Taliyaha Bilayska Dwyane Bryce ayaa sheegay in bilaysku ay heleen dhawaaq kaalmo oo muujinaya in ay toogasho ka dhacday guri ku yaal magaalada Bentsville, oo 260 km koonfur bari ee magaalada Louisville, Kentucky.

Bryce ayaa intaas ku daray in askartu ay heleen laba dhintay halkaas oo ay bilaabeen in ay isku xeeraan aagga si ay u raadiyaan kuwa riday rasaasta, Taleefan labaad ayaa bilayska u horseeday guri degaan oo ku yaal Bintsville, halkaas oo saddex qof oo kale laga helay maydkooda oo ay ku jiro mid hubeeysani, ayaa ku daray taliyuhu.

Weerarka ayaa imaanaya saddex toddobaad kadib markii dhacdo naxdin leh oo ka dhacday dugsi sare oo ku yaal Benton, Kentucky, markii arday uu dilay laba ka mid ah asxaabtiisii uu dhaawacyna 18 qof oo kale ka dibna la qabtay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso