Ganacsade u tudh dadkaaga iyo dalkaaga

      Ganacsade u tudh dadkaaga iyo dalkaaga

Ganacsade waad ogtahay dalkan kumanaan inay dhiigoodii u hureen,hooyooyin u goblameen,aduun ku burburay,gelgelin madhan laga soo bilaabay,idinkuna ka qayb qaadateen dib u dhiska dalka iyo kobcinta ganacsiga.

Ganacsade dalkeena maanta dhibaatada ugu wayn ee haysataa waa sicir bararka.Shacabka aad ka ganacsataana naftii ayaa haysa oo noloshii ayaa cunaha maraysa.Waxaana u sabab ah hab-dhaqanka iibka aad wax kasta oo dalka keentaan ama adeegyada aad ka iibisaan shacabka sida nalka,biyaha,dhismaha guryaha,kirada dhismayaasha intaba waxaad shacabka ku qasabtaan lacag shisheeye inay bixiyaan! Kaas oo ah lacagta maraykanka! Taasi waxay tahay inaad kaw ka tahiin la dagaalanka adeegsiga lacagta dalka sida aan qabo.

Ganacsade waxaad ogtahay dharka aad xidhantahay,kabaha,weelka gurigaaga laga adeegsado,cuntada,cabitaanka,buugaagta iyo qalimaanta caruurtaadu adeegsato,qalabka gurigaaga lagu dhisay,kuraasida iyo sariirta aad ku seexato intaba adiga ayaa dibada ka keena,xataa raashinka dalka ma cuntaan,shacabkana idinkaa kaga iibiya lacagta maraykanka! Waana sharci darro oo idinka ayaa meel marsaday.Waana arrinka nolosha cirka ku shareeray. Bal ka warama hadaad waydaan shacab aad wax ka iibisaan oo laydinku kaco oo laydinku mudaharaado!

Ganacsade Allaah swt haydiin siyaadiyo ganacsiga oo haydinka dhigo mid khayr leh,waxaan idin leeyahay Alle ka baqa oo dadkiina u tudha,iibka hoos u dhiga,dalkana u tudha oo go’aamada xukuumadu soo saartay fuliya,sharcigana ku dhaqma oo hoos taga baanka dhexe lacagtana dhigta. Maanta ganacsadaha ayaa ka kow ah hirgelinta adeegsiga lacagta dalka iyo hoos u dhigida kala iibsiga. Midna ogaada hadba talaabada aad qaadaan ayuu ku xidhan-yahay sicir bararku weliba ribaduna kama madhna ganacsigiina.

 

 Ganacsade waxaan idinka tegayaa u tudh dadkaaga iyo dalkaaga si Rabi kuugu naxariisto.

 

Allaa Mahad Leh.

Xuseen Xasan Badmaax

0634026100

Hargeysa/JSL

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso