​​​​​​​​​​​Wasaaradda Horumarinta Beeraha, FAO iyo Midawga Yurub Oo Shir ka Yeeshay Dardargalinta Wax soo saarka Dhanka Cuntada

Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa shir uu la yeeshay Masuuliyiin ka socotay Midawga Yurub iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee FAO waxa ay kaga wada hadleen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ololaha loogu jiro sidii dalka loogu soo saari lahaa cunto ku filan.

Shirkan ayaa waxa khudbad furitaan ka jeediyey Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed, isaga oo tilmaamay inuu soo dhaweynayo talaabooyinka wax lagaga qabanayo qabashada biyaha iyo ciida oo ka qayb noqon doonta kobcinta wax soo saarka dalka.

Shirkan oo maanta ka qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu falanqeeyey sidii ay labada dhinac uga qayb qaadaan lahaayeen wax ka qabashada caqabadaha hor taagan wax soo saarka dhanka cuntada oo ay ugu horeeyaan qabashada Ciida iyo Biyaha, iyada oo lagu soo qaaday sidii ay u dar dar galin lahaayeen Mashaariicda ay Hay’adda FAO iyo Midawga Yurub ka wadaan Deegaanka Beerato ee gobolka togdheer laguna dhisayo Kanaalo beeraha halkaasi ku yaala biyaha ugu duwayaan.

Weftiga ka socday Midawga Yurub ayaa waxa horkacayey Madaxa Barnaamijyada qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mudane  Martiono Vince, dhanka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ayaa isna waxa ka socday Sergio Innocente oo ah Madaxa Barnaamijyada Hay’adda FAO u qaabilsan Somaliland iyo Somalia.

Wasiirka horumarinta Beeraha Somaliland ayaa waxa isna dhankiisa ku wehelinayey shirkan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), Agaasimaha Waaxda Barnaamijyada Wasaaradda Beeraha Ibraahim Cumar Kaahin, Agaasimaha Waaxda Badbaadada Beeraha Maxamed Siciid (Sudani), Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Ibraahim Cumar Kaahin, Isuduwaha Gobolka Togdheer ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Cabdi Maxamuud (Gurey) iyo Masuuliyiin kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso