Holland oo La Baxday safiirkeedii Turkiga !!!


Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dutch-ka ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay la baxday safiirkeeda Turkiga, Ka dib muranka labada dal u dhaxeeya.

Intaas waxaa sii dheer, Netherlands ma aqbaleyso safiirka cusub ee Turkiga ee Boqortooyada.

Tani waxa ay ka dhalatay khilaafka u dhexeeya labada dal, oo soo socday tan iyo March 2017, markii Netherlands ay ka hor istaagtay saraakiisha Turkiga in ay soo galaan dalkooda si ay ugu ololeeyaan bulshada Turkiga una taageeraan aftida dastuurka Turkiga, iyada oo kaga jawaabtay caydhinta safiirka Holland ee Ankara.

Holland ayaa go’aansatay in ay ka hortagto ololahan, iyada oo lala xidhiidhinayo ololaha doorashada ee boqortooyada lafteeda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Holland ayaa Isniintii ku dhawaaqday joojinta wadaxaajoodyo lala galo Turkiga si loo xaliyo arrinta.

Warqbadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso