Shirkadda Telesom Oo Koob Kubbadda Cagta ah u qabatay Shaqaala waynaha shirkaddaha Telesom Group.

Tartankan kubadda cagta waxa uu ku qabsoomay garoonka Power League ee xaafadda jigjiga yar,  Tartankani waa mid u dhaxeeyey dhalinyaradda kubada ciyaarta ee shirkaddaha Telesom group, Tartankani wuxuu soo socdey Muddo 2o cisho ah, Tartankan kubadda cagta ah ee wax aka soo qayb galay kooxo u kala ciyaarayay Magaca telesom group ,  Tartanka oo u jeedadiisu ahayd “Kobcinta iyo Isdhex-galka Shaqaalaha Shirkaddaha Telesom Group”

Kooxahaas ayaa kala ah Kooxda ku ciyaaraysa magaca Telesom Comp. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Dara-Salam Bank. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Zaad Service. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Telesom Electric company ee (TEC), Kooxda ku ciyaaraysa magaca Somgas iyo Kooxda ku ciyaaraysa magaca Xawaaladda Taaj.

Kooxahaas ayaa loo kala qaybiyey laba qaybood oo kala ah

Group A Group B
Zaad Telesom company
Dara salaam bank Xawaalada Taaj
Somgas Tec ( Telesom Electric company)

 

 

 

 

 

Koobkan oo ay qabanqaabadiisa lahaayeen Xarunta arrimaha bulshada ee Ummah Community Center ayaa Shalay lagu soo gabogabeeyey garoonka Power League ee jigjiga yar , Tartankan waxa isku soo hadhay oo soo gaadhay Kama-danbeysta (final) labada kooxood ee kala ah ZAAD iyoi TAAJ, waxaanay maalintii jimcihii ciyaartii ugu danbeysay oo koobka lagu kala qaadayay ka dhacday Garoonka Power League, ciyaartii dhexmaraysay Zaad iyo Taaj ayaa ahayd mid dadwayne badan soo jiidatey, labada kooxoodbaa laba kooxood oo ciyaar ahaan isku mid ahaa, isla markaan xirfadooda ciyaarood ay aad u sareysay .

 

Guntii iyo gebogabadii ciyaartii waxay ku soo dhamaatey in kooxda ku ciyaaraysay Magaca Zaad service ay 2.0 guushu ku raacdey, sidaasna ay ku qaadeen kooxbii loo qabtey shaqaala waynaha shirkaddaha Telesom group, dhinaca kale waxa la bixiyey abaal marino, kuwaas oo la siiyey Ciyaaryahankii ugu ciyaarta fiicnaa intuu tartanku socday kaas oo ah , Maxamed  Cabdiraxman Maxamed oo ciyaarayay kooxda TAAJ, waxa kale oo abaal marin la gudoonsiiyey ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa kaas oo ah Guleed Maxamed Aden Gacalle oo u ciyaarayay kooxda ZAAD ka, Waxa kale oo abaal marin la gudoonsiiyey Kooxdii ku ciyaaraysay Somgas, taas oo loo gartey inay noqotey kooxdii ugu akhlaaq fiicnayd intuu tartanku socdey.

 

Haddaba waxa madashaas ka hadlay Cadirisaaq Cabdilahi Cali (C.risaaq Shabeel ), Cabdiraxman Shire, Maxamed Cabdi Darbo, iyo Maxamed Cabdi Giirre,

 

Cabdirisaaq shabeel oo ku hadlayay afka Dhalinyaradii soo qaban qaabisey  ee Ummo Community Centre isla markaana qayb ka ahaa ciyaaryahanadii ka soo qaybgalay tartankan Hadalkiisi waxa ka mid ahaa “ runtii tartankan waxaanu ugu talo galnay inay shaqaale waynaha shirkaddaha Telesom group ay isku bartaan isla markaana uu kobciyo caafimaadkooda, tartankani wuxu soo socday muddo 20cisho ah balse maanta wuxuu ku soo gabagaboobey iney kooxda ZAADku ku guuleysato koobkii, kooxaha kalena waxaan u rajeynayaa inay sannadka danbe dadaali doonaan”

waxana uu Mr. Darbo oo ku hadlayay afka Telesom Group uu Mahadnaqay dhamaan cidii soo qaban qaabisey tartanka loo qabtey shaqaala waynaha Telesom Group, waxaanu si gaara ugu sii mahadnaqay Lixdii kooxood ee ka soo qayb galay tartanka,  waxa kale oo Mr Darbo Hambalyo u diray kooxda ku koobka ku guuleysatey iyo kooxda galashay kaalinta labaad,

Waxa isaguna Madashaas ka Hadlay Cabdiraxmaan shire oo ah Maamulaha Adeega Zaad waxaanu yidhi “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan manta kazoo qayb galo ciyaartii u danbeysay ee labada kooxood ee ZAAD Iyo TAAJ isku arkayeen, waxaan kaloon ku sii faraxsanahay inay koobkii la gudoonsiinayo Kooxdii ku ciyaaraysay ZAAD ee ka mid ahayd Telesom group, Waxa kale oo aad ugu mahadnaqayaa cidii soo qabanqaabisey tartanka lagu dhiirigalinayo shaqaalaha telesom, waa fikrad aad u fiican waana in laga sii horumariyo, kooxihii ciyaaray ee walaalaha ahaa waxaan leeyahay Hambalyo hambalyo”,

Dhinaca kale waxa isaguna ka Hadlay madashaas Maxamed Cabdi Giire, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “ tartankani si fiican ayuu noogu dhamaadey waxaana rajaynaa in halkaas laga sii wado tartanadda noocan oo kale ah, Anagu hadaanu nahay Dara-salaam bank waxaanu rajeynaynaa in sannadka danbe aan koobku ku guuleysano ishaa allaah”

Guntii iyo Gebogabadii tartankii soo socday muddo dhan 2o maalmood wuxuu ku soo dhamaadey iney guushu raacdo Kooxdii ku ciyaareysay Adeega ZAAD.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso