Ciyaar kombiyuutar oo U geystay Shiinays Curyaanimo Ama Naafanimo!!!!

Nin Dhalinyaro Shiineys ah ayaa Shalal ku dhacay curyaamay Ka Dib Markii Maqaaxi internet oo ku taala Magaalada Jiaxing, Shiinaha,ka dib markii uu ku ciyaarayay Maalin dhan Game ama ciyaar madadaalo ah 20 saacadood oo Xidhiidh ah.

Saaxiibbada ninkan dhallinyarada ah ee la ciyaaray isla Meheradan cafe Internet ka ayaa sheegay in aysan wax cunin ama cabin maalintii oo dhan.

Qolada Caafimaadka ee u yimid in ay badbaadiyaan ninkan dhallinyarada ahaa ayaa sheegay in uu si daran u shalalku ugu dhacay isla markaana uu curyaamay , iyaga oo sheegay in aanay garanayn khatarta dhaawaca soo gaadhay muddada dheer iyo haddii qofka dhallinyarada ah uu dib u heli karo awooda inuu mar kale uu dhaqdhaqaaqo, Sida ay Qortay Live Row.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso