Madaxweynaha Brazil Oo cadeyn Waayay in uu nool yahay islamarkaana lumiyay lacagtiisa Hawlgabka !!!!

Madaxwaynaha Brazil Michel Elias Miguel Tamer ayaan helin lacagtiisa hawlgabka bilaha November iyo December 2017, sababtoo ah ma uusan u xaqiijin hay’adaha shaqada ku leh in uu noolyahay!

Sida laga soo xigtay kanaalka telefishanka “GLOBO” sharciga Brazil ayaa waajibinaya in ruuxa hawlgabka ahi cusbooneysiiyo diiwaangelinta hay’adda mas’uul ka ah caymiska hawlgabka sanad walba.

Tamer waa 77 Sanno Jir markii ugu horreyseyna ka fadhiistay Shaqada 1999-kii markii ay da’diisu ahayd 58-jir, kadib muddo uu ahaa xeer ilaaliyaha Magaalada San Polo. Hawlgabka uu helay sida waafaqsan sharciyada khuseeya waxay u dhigantaa $ 14216.

Maadaama Michel Tamer uu yahay madaxaweynaha Dalka Qaatana lacag Mushahar bil kasta ah, wuxuu hoos u dhacday lacagta hawlgabka in ka badan kala badh isla markaana waxay noqotay $ 7,000 oo doolar.

Madaxa xafiiska madaxweynaha Brazil ayaa sheegay in madaxweynuhu uusan haysan waqti uu soo gudbiyo dukumiintiga loo baahan yahay, isagoo tilmaamaya kalsoonidiisa in lacagta hawlgabka laba-biloodlaha ahna la bixiyo sida ugu dhakhsaha badan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso