Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Beeruhu Oo Safar U Kuur Gal iyo Dhiirigalinta Wax soo saarka Ugu Tagay Beeralayda Deegaanka Garbodadar

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa safarshaqo oo Kormeer iyo wax la qabasho beeralayda ah ku tagay Deegaano Beereed hoos yimaada Degmooyinka Garbodadar iyo Lughaya.

Weftiga Wasaaradda Beeraha oo ujeeddada Safarkoodu ahaa xog-ogaal u noqoshada Xaaladda ay ku sugan yihiin Beeralayda, Awooddooda Wax Soo-saar iyo inay Wacyi-gelin siiyaan Beeralayda, ayaa Dadkii kala duwanaa ee ay Beerahooda ugu dhex tageen.

Wasiirka ayaa waxa safarkiisan ku wehelinayeen Masuliyiin ka socda Wasaaradda Beeruhu oo ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Maxamed Cilmi Aadan, Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Ibraahim Cumar Kaahin, Agaaasimaha Waaxda Cimilada C/qani Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Badbaadada Beeraha Maxamed Saciid (Sudani), Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Ibraahim Carab Ceelaabe iyo masuuliyiin kale.

Subaxnimadii Hore ee Shalay ayaa weftiga uu wasiirku hoggaaminayaa safarkooda shaqo ka bilaabeen Beeraha ku teedsan Garbodadar, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Gorfalaa, Qudhaanjaale Bari, Qudhaanjaale Galbeed, Waraabe Dareeray, Ceel la helay, Tuurka iyo deegaamo kale oo Degmada Garbodadar ka tirsan, isaga oo wasiirku goobaha uu marayey beeralayda kala shiray sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka beeraha, isla markaana dadka beeralayda ah u gudbiyeen caqabadaha iyo fursadaha deegaanadooda ka taagan ee beeraha ku sabsan.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa intii uu deeganadan marayey khudbado la taxaluqa wax soo saarka beeraha u jeediyey

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed oo la hadlayey dadka deegaanka Waraabe dareeeray ayaa waxa uu balanqaaday inay tababaro dhanka la dagaalanka cayayaanka ah siin doonaan beeralayda, waxaanu wasiirku yidhi “Waad mahadsan tihiin sidaad warbixinta noo siiseen waxaanu halkan u nimid shaqada uu madaxweynuhu noo diray waa beeraha markaa meel kasta oo beeralayda ah inaanu xaaladooda ogaano dadkana ku dhiirigalino wax soo saar dhanka beeraha ayaa shaqadayadu tahay”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Tababarada beeralayda ee dhanka la dagaalanka cayayaanka dhawaan ayaanu deegaanadan ka fulin doonaa, waxaana hadda nala socda khabiiradii arintaasi noo qaabilsanaa, mana aha kani safarkii u horeeyey ee aanu xaqiiqo raadin ugu baxno deegaanada beeeralayda ah intaanu xafiiska joognay, waxyaabaha kale ee tabashooyinka beeralayda ahna waanu ku dedaali inaanu wax ka qabano wixii naga tan batana cidaanu la qayshan karno ayaanu isku dayi inaano ula qayshano”.

Wasiirka oo dadka deegaanka Tuurka la hadlay ayaa uga mahadceliyey hadhimo sharafeed ay u sameeyeen, isaga oo tilmaamay in muhiimada ay u socdaan tahay sidii dadka beeralayda ah ugu dhiirigalin lahaayeen wax soo saar ay la yimaadaan, waxaanu yidhi wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaanu halkan u nimid sidii aanu idiinku dhiirgalin lahayn wax soo saarka, iyada oo siyaasadda koowaad ee dawladda uu hoggaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ay tahay sidii wax soo saar loola iman lahaa loogana maarmi lahaa wixii dibada inooga imanaya, wixii tabasho ah ee tababarada beeralayda iyo la dagalaanka cayayaanku ugu horysana sida ugu dhakhsaha badan ayaanu wax uga qaban doonaa”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Maxamed Cilmi Aadan oo dadka deegaanka la hadlay ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lala yimaado Wax soo saar balaadhan.

Agaasimaha ayaa waxa uu yidhi isaga oo beeralayda ku dhiirigalinaya inay wax soo saar la yimaadaan, “Marka aynu doonayno inay dagaalo beeleed galno cid caawimo kama sugno ee inagga ayaa is abaabulna, balse marka aynu cunto la soo baxayno waxa aynu doonaa inay hay’addo ina caawiyaan, waxaana loo baahan yahay inaynu is abaabulno oo wax soo saar la nimaadno”

Agaasimaha Waaxda Mashaariicda wasaaradda Beeraha Ibraahim Cumar Kaahin ayaa khudbad uu u jeediyey beeralayda deegaanka Tuurka Qudhaanjaale Bari, waxa uu sheegay in loo baahan yahay kobcinta wax soo saarka lagana faa’iideeyo biyaha durdurka, iyada oo deegaanada Somaliland qaar ka mid ah ay biyo iyo baad yaraani soo wajahday.

Ibraahim Cumar Agaasimaha waaxda Mashaariicda wasaaradda horumarinta beeraha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Kanaaladii dooxadan ku yaalay wax waa laga qabtay balse ciida ayaa kor ugu soo kacday waxaana loo baahan yahay in kanaalkii biyaha soo qaadayey hoos loo qodo si biyo badan uga yimaadaan, shirar aanu Hargeysa maalmo dhaweyd ku galnayna waxa laga soo dayrinayey abaaro deegaanada dalka qaar ku dhuftay, waxaana loo baahan yahay in biyaha laga faa’iideeyo oo Wax soo saarka beeraha kobcin badan lagu sameey”.

Maayarka Garbodadar oo kormeerka weftiga ku wehelinayey ayaa waxa uu ka waramay xaalada beeralayda hoos timaaada deegaanka Garbodadar.

Maayarka ayaa tilmaamay in laba caqabadood ugu daran yihiin beeralayda guud ahaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Beeralaydu deegaanada beero badan ayey wax soo saar ka sameeyaan, iyada oo beerahana soo saaraan dalag badan, balse wasiir laba caqabadood ayaa ugu daran, kuwaasi oo kala ah Sunta cayayaanka ay isticmaalayaan oo aanay u lahayn aqoon oo aanu doonayno in la tababaro iyo Abuurka ay isticmaalaan (Seeds) oo aanu u baahanahay inaad hubinta tayeyntooda iyo helidooda naga caawisaan”.

Guddoomiyaha Degmada Tuurka Cabdi Cumar ayaa waxa uu warbixin ka soo jeediyey xaaladaha beeralayda deegaanka tuurka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Beeralayda deegaanka Tuurka waxa ay la yimaadaan wax soo saar badan, waxaana jira caqabado caqabado ku gedaaman sidii loo kobcin lahaa wax soo saarkooda, iyaga oo caqabadaasi ka mid yihiin ciida daadku soo qaado wakhtiga wax soo saarka iyo marka khudaartoodu tagto suuqa oo ay qiime dhac ku ridaan khudaarta wadamada dibada laga keeno sida Itoobiya iyo Yemen”.

Siyaasi Cali Baashe oo ka mid ah beeralayda gobolka Sanaag, isla markaana deegaanadaasi u tagay sidii uu aqoon korodhsi dhanka beeraha ah ugu soo samayn lahaa ayaa dar daaran u jeediyey dadka beeralayda ah ee deegaanka Tuurka, waxaanu yidhi “Beeralaydiina deegaanka waxa aad aqoon dheer u leedihiin beeraha oo waa sababta dadkina loogu yaqaano Qodaal, waxaan magaalada Ceerigaabo goob ku dhaw ka sameeyey beer, waxaanan halkan u imid sidii aan indho indhayn ugu samayn lahaa nidaamkiina wax soo saar, waxaanan jecelahay inaan laba kalmadood dar daaran u jeediyo midna idinka idinku socoto midna dadkii aan ka soo jeeday ee reer Sanaag, midaan idin leeyahay waxa weeyaan dur duerkan iyo beeraha kaa faa’iideeya oo halkaa ka sii wada sidii aynu u kobcin lahayn wax soo saarkeena dhanka beeraha, midaan deegaankaygii Sanaag leeyahayna waxa weeyaan hoy galbeed wax soo saarkiisii halkuu marayo waad aragtaana aynu tartankaasi galno oo beeraheena wax kala soo baxno intaynu hadalka iska dhaafno”.

Cumar Cismaan Warsame iyo Cismaan Maxamuud oo ka mid ah beeralayda deegaanka Waraabo dareeray ayaa weftiga wasiirka warbixin ka siiyey xaalada beeralayda deegaankaasi, iyaga oo tilmaamay in beerahooda wax soo saar fiican ka sameeyaan, isla markaana ceelel badan oo biyo u soo saara ka qodan yihiin, balse waxyaabaha caqabadaha ku ah ay ka mid yihiin cayayaan beeraha kaga dhasha iyo Injiinada biyaha u soo saara oo shidaalka ku baxa kharash badan ka qaataan una baahan yihiin in nidaamka cadceeda lagaga dhaliyo tamarta ay ceelashoooda u isticmaalaan lagana caawiyo.

Masuuliyiinta wasaaradda Beeraha ayaa waxa ay sidoo kale goobtaasi ku soo rakibeen Qalabka la socoshada Cimilada si loola socdo heerka roobka iyo dabaysha eek u haboon wax soo saarka.

Agaasimaha waaxda cimilada wasaaradda beeraha Cabdiqani Yuusuf oo qalabkan ka warbixiyey ayaa waxa uu sheegay in qalabkani wax badan ka tari doono la socoshada cimilada si loo garto wakhtiyada wax soo saarka ugu fiican la samayn karo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso