Daawo:Madaxweynaha JSL Oo Ka Qaybgalay Xuska Sannad-Guurada 24-Aad Ee Kasoo Wareegtay Aas-aaska Ciidanka Qaranka, Khudbad Qiimo Lehna Ka Jeediyey

Hargeysa03-02-2018-(Toggaherer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibadda sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranku ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

Munaasibaddan oo ay ka qayb-galeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha golaha wakiillada Mudane Baashe Maxamed Faarax, taliyaha ciidanka qaranka Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wasiirka wasaaradda gashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Madaxweyne-ku-xigeennadii Koowaad, labaad iyo afraad ee dalka Soo maray, guddoomiyeyaasha axsaabta UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), saraakiisha, saraakiil ku-xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee ciidamada qaranka, madax ka socotay dalalka Ingiriiska, Ethiopia iyo Jabuuti iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa laga jeediyey hadallo si qoto dheer loogu hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin guud ahaanba jiritaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayn waxa madasha masraxiyad qiimo badan oo ka warramaysa qiimaha ciidanka, isla markaana bulshada ku dhiirrigelinaysa sidii ay wax soo saar u samayn lahaayeen, kusoo bandhigay kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka ee Gashaan, taas oo dhegaha iyo indhaha madaxda kala duwan ee qaranka iyo bulshadii kale ee martida ahaydba ku abuurtay shucuur waddaniyadeed iyo dal jacayl.

Taliyaha ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ugu horrayn si faah-faahsan uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu ciidanka qaranku soo maray, horumarka uu sameeyey iyo sida ay ciidanku udub-dhexaadka ugu yihiin jiritaanka qaranka, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maalinba maalinta ka dambaysa ciidanka qaranku wuu soo kobcayey, waana waxa aynu maanta milgaha ku leenahay ee aynu qayrkeen ku dhaafnay, waxaana ay ka qayb qaateen sidii maamulka dawladda loo fidin lahaa, loona gaadhsiin lahaa gobollada iyo degmooyinka dalka, madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa aan uga mahadnaqayaa inuu ku dhiirrado bixinta derejada uu ciidanku ku xarragoonayo, annaga oo ciidan ahaan ballan qaadayna in aanu sugno nabadgelyada guud ee dalka Somaliland.”

Taliyuhu waxa uu tilmaamay inay ciidamadu horumar ballaadhan ka sameeyeen dhinacyada tabobarrada iyo waxbarashada, isla markaana ay saraakiil kamid ahi dalalka dibadda waxbarasho u tagaan, waxaana uu tilmaamay in goobo badan oo dalka ah laga hirgeliyey kulliyado lagu tababaro saraakiisha kala duwan ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay inay ciidamadu dhawaan heleen agab caafimaad oo dhammaystiran, kaas oo ay kaga kaaftoomi doonaan baahidii caafimaad ee ay cusbitaallada kale ku tegi jireen.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay ciidamada qaranku ugu fadhiyaan dalka iyo sida ay ugu adkaystaan duruufaha kala duwan ee ku gedaaman, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, saraakiil, saraakiil kux-xigeen ilaa dableyaal aad baan u hambalyeynayaa, xaalado badan oo ay soo mareenna maanta ayey ugu qurux badan yihiin, waana astaanta qaranimo ee ay muujisa hannaanka dawladnimo, marka aad aragtidna uu qalbigu kuugu degayo, Somaliland –na waxa ay ku caano maashay oo horumarka la gaadhay sabab u ahi waa nabadgelyo, qolyaha aanu isirka Soomaalinimada wadaagno ee durbaanka colaadeed tumayana waxaan ugu baaqi lahaa nabad, nabadduna horumar, is-kaashi iyo wada socosho ayey leedahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibada xuska sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland, ayaa si mug iyo miisaan leh u sharraxay qiimaha ay ciidanka qaranku dalka iyo dadkaba ugu fadhiyaan, waxaana uu ku sifeeyey naftood hureyaal u heegan ah inay muhiimadda koowaad siiyaan danta guud ee la wada leeyahay, waxaana uu yidhi, “Qiimaha uu ku fadhiyo ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland umadda reer Somaliland dhammaan way ogtahay, qiime, qaddarin, xushmad iyo karaamo ayey u hayaan, waayo waxa ay ogyihiin inuu ciidanku marka hore yahay dad iyagu doortay inay naftooda u huraan qaranka oo aanay iyagu wax dheef ah ka raadin qaranka inay u dhintaan mooyaane, ciidanka qaranku waa soo jeede intaad huruddo iyo inta aad shaqaysanaysaba usoo jeeda sidii aad dantaada u qabsan lahayd, wax u baran lahayd, baayac-mushatar u samayn lahayd, u guursan lahayd ee aad u hoysan lahayd, intaad intaas qabsan lahayd isagu (ciidanku) waxa uu doortay inuu waxa aad qabsanayso kuu ilaaliyo, isaguna uu dhibaatada qaato.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku dheeraaday sida ay ciidamadu udub-dhexaad iyo tusaale ugu yihiin, kala-dambaynta iyo xaqsoorka, isaga oo guul kasta oo ay Qaranka Somaliland gaadhay u hibeeyey ciidamada qaranka Somaliland, “Ciidanka qaranku waxa uu tusaale u yahay qaran-dhiska, dawlad-wadaagista iyo maamul walba sida loo dhiso, dhammaan aduunku maanta sida uu ku socdo haddii ay shirkad tahay, haddii ay jaamacad tahay iyo haddii ay dad caadi ah yihiinba waxa laga bartaa oo soo curiya ciidamada qaranka, iyagaa laga bartaa kala-dambaynta, sharci-u-hoggaansaanta, xaq-sooridda iyo dhismaha nidaam lagu dhiso dad isu yimi oo shirkad noqdo ama dal noqda ama ubad noqda, middii uu doonaba ha ahaatee ciidanka qaranku Somaliland tusaale wanaagsan buu u noqday, waana hay’adda maanta ugu maamul wanaagsan ee qaranka Somaliland, 24-ka sanadood ee ay ciidanka qaranku jireen markii ay maamulka fidinayeen ee ay dacalladiisa Bari iyo Galbeed tegayeen lama arag ciidan qori wax ku maamulayee, waxa ay boqolkiiba toddobaatan(70%) maamulka ku hirgeliyeen odaynimo, guurtinimo, hoggaan wanaagsan iyo siyaasad qaran oo ay dadka ku kasbadeen, waana ta ay maanta Somaliland ku dhisan tahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shaaciyey in bulshada reer Somaliland ka dheregsan yihiin kaalinta ay ciidamada qaranku ugu fadhiyaan, isla-markaana ay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ka go’an tahay sidii ciidamada qaranka loo siin lahaa mudnaanta koowaad, maadaama oo ay naftooda u hureen qaranka, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Umaddu way ogtahay waxa ay ciidanka qaranku galaan, wax walbana waxa la idinka siin doonaa mudnaanta koowaad, aniga (Madaxweynaha), xukuumadda iyo qaranka oo dhammiba waxa aanu ku dedaali doonnaa inuu ciidanka qaranka Somaliland helo mudnaanta koowaad, xagga noloshiisa, caafimaadkiisa, tababarkiisa iyo taariikhdiisa, waayo idinkaa mudnaanta koowaad ka galay hawshii qaranka, wixii la helo haddii ay dheef tahay, haddii ay sharaf tahay iyo haddii ay qaddarin tahayba waxa aanu ballan qaadaynaa inaad noqotaan mudnaanta koowaad.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Khudbada Madaxweynaha

Muuqaalo Qurux Badan

Advertisement

Ku Xayeysiiso