Wasaarada Biyaha ayaa igu Muhiimsan Somaliland waa Hadii Wasiirka Loo Magaacaabay ee Saleebaan Koore taas Ogsoon yahay

Wasaarada Biyaha ayaa igu Muhiimsan Somaliland waa Hadii Wasiirka Loo Magaacaabay ee Saleebaan Koore taas Ogsoon yahay

Dalka Somaliland waa dal abaaruhu ku soo noqnoqdaan kuwaas sanadkasta wax yeelo wayn u gaysta xoolaheena iyo dadkaba waxaana ka jirta biyo la’aan daran oo dhibaato ku haysa deegaanka. Dadka reer Somaliland waxay wax u beeran kari la’yihiin biyo la’aan kuwaas oo markaad badankooda la shakaysato kuu sheegaya inay haystaan dhul aad u badan oo ay ootin rabaana in wax ka soo saran laakiin biyo la’aani ku habsatay sidoo kale markaad la sheekaysato dadka raba inay dalka maalgeliyaan oo warshado samaystaan waxay kuu sheegayaan in dhibaatada haysataa tahay biyo la’aan waxa kale oo ay ka cabanayaan in wasaarada biyuhu tahay magic gudha ee aanay waxba qaban ama aanay dadka u adeeginba oo xitaa hadaad ku tidhaahda warbixin isiiya ama farsamada iga caawiya anigaa qodanaya oo maalgashanaya ceel cid kula shaqaysa heli maysid, waxaan booqday wasaarada biyaha bishii todobadaa ee 2017 waxaan waayey xitaa cid ila hadasha aniga oo ka rabay in xog layga siiyo meelaha uu haboon ee ceelal laga qodi karo gobolka saaxiil si aan ceelal ku qodo. Waxa kale oo lay sheegay anigoo nayroobi jooga in wasaarada biyuhu inay soo xaadirin shirar badan oo lagu marti qaaday oo caalami ah oo any xitaa ka soo jawaabin emailaydii loo soo diray.

Waxaan u sheegaya wasiirka biyaha ee cusub in uu ogsoonaado in wasaarada biyuhu wasaarada ugu muhiimsan ee waxka qaban karta horumarka nolosha dadk Somaliland oo xitaa hogaanka u qaban karta wasaaradaha kale dallka oo xitaa hadii al helo biyo lmaalgelinta dalku kor u kici karto.

Wadamda kale ee jeerkeena ah ee aynu isticmaalo waxay beertaan waxay ahmidyad koowaad siiyaan biyaha iyagoo aniga roob badan oo xitaa webiyo leh . manta hergeysa waxa lagu cunaa tamaandhada laga keeno ethopia taasi waxay ku dhacay biyo la’aanta ka jirta Somaliland.

Waxa igu maqaalo ah ama sida aan ka daawaday TV-yada isagoo hadlaya in wasiirka cusub ee saleebaan korre yahay nin karti u dhashay oo kudhac leh oo dadbadan oo ka quustay inay ka haleen adeeg wasaarada biyaha ay soo eegayaan inuu wax la taaban karo kusoo korhdiyo wasaarada oo fahmo waxa umada Somaliland ka sugayso ama waxa uu noqon sidii kuwii isaga ka horeeyey ee aan dan iyo muraad toona ka lahayn xilka aadka u culus oo loo egmaday oo ah furihii nolosha iyo horumarka.

Waxaan in badan la socday khilaaf ka jiray wasaraada biyaha  iyo masuqmaasaq lagu eedayn jiray oo saxaafadu baahan jirtay. Wasiirka cusube ee saleebaan koore u soo jeedinaya inuu wasaarada horumariyo oo muujiyo firfircooni dheeraad ah oo kasbada dhamaan dadka biyaha daneeya shabackana si dfiicnan  ugu adeeyo. Waa inoo ogsoonaadaa in loo dhiibay wasaaardaii ugu muhiimsanayd qaranka.

Cabdiqani Xassan Goodir

London, UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso