Musharaxnimo Duqa Caasimadda Hargysa Ah Iyo Sababaha igu Dhaliyey

Shaacin Iyo Wargalin

Musharaxnimo Duqa Caasimadda Hargysa Ah.

Hadafkaygu & hal-ku dhageygu Waa.Mayar ku dayasho Muddan & Hiigsi  u Noqdashada Bulshada iyo Danta guud u Iishadiisa  marwalba!!!

 

Anigoo ah Haldoor Rashiid Sulub Caalin, waxaan bulshada reer Somaliland gude iyo debadba shaqsi ahaan ku wargalinayaa, in aan go’aansaday in aan isku sharaxo xildhibaan Golaha Deegaanka Hargeysa ah, isla markaana ay iga go’an tahay in aan noqdo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka amma Duqa Caasimadda Hargeysa doorashooyinka Golaha Deegaanka ee horaanta 2019-ka la qorsheeyay in ay qabsooman insha Allah.

Kollay ma yara sababaha igu dhaliyey amma aan u go’aansaday go’aankan muhiimka ee tariikhiga ah oo aan is leeyahay waxaad wax muuqda ka qaban karta oo kafeeyen kara illa xad, Reer Hargeysa bulshadaada waxaanan odhan karaa:-

  1. Markaan xaqiiqsaday waayo aragnimada, Aqoonta, kartida iyo Hufnaanta Qofeed ee aan u leeyahay dhammaan qeybaha bulshadeena ee aan u adeegi doono.
  2. Markaan shaqsiyan ku qancay in aanu jirin adduunyo jacayl amma darajo aan ku doonanayo mansab amma xil Dowladeed, oo aan ku fushado amma ku helo dano ii gaar ah.
  3. Markaan arkay in loo baahan yahay fikiro cusub oo xagga maamulka Casimadda Hargeysa iyo Gole Dagaanka oo taariikhdoodu iftiimeyso oo lagaga dabaallan karo dhibaatooyinka badan ee ka taagan Caasimadda Hargeysa dhinaca horumarka iyo Nidaamka Magaalada guud ahaan.
  4. Markaan garawsaday iskuna qanciyey dhibaatada ugu weyn ee hor taagan in ay Golayaasha Deegaanku qabtaan badankoodu hawlihii waxqabad ee looga baahnaa ay tahay khilaaf joogto ah oo dhexdooda jira, danaysi gaar ah, kooxaysi, reeraysi mar-marka qaarkood faro-galin kaga timaadda Dowladda Dhexe marka aynu ka hadlayno badanka Golayaasha Deegaanka ee Somaliland, isla markaana aan kalsooni ku qabo in aan xalkooda keeni karo,Allehna ii sahli doono.
  5. Markii aan arkay dad badan oo ka mid ah bulsho weynta Reer Hargeysa oo igu guubaabiyey in aan isku sharaxo mansabkan ka dib markay arkeen waxqabadkayga Danaha guud iyo Samafalka aan bulshadayda ugu adeegayey rubuc-qarnigii tegay.
  6. Markaan garawsaday baahida deg-degga ah ee loo qabo in la helo kala dambayn Maamul oo aan hagrasho lahayn iyo daryeel bulsho oo buuxa in la helo.
  7. Markaan arkay in anay isku dheeli tirnayn illa xad macquul ah qaabka loola macaamilayo Ganacsatada Waaweyn, dadka danyarta ah, dadka Naafada ah, dadka waa weyn, dumarka, dadka ajaanibka ah, dadka socotada ah, dadka xanuusanaya iyo dadka laga tirada badan yahay,Agoomaha IWM.
  8. Markaan arkay in baahi weyn loo qabo, isla markaana aan xalkeeda si daacadnimo leh u keeni karo in xubnaha Golaha Deegaanka wada shaqayntooda iyo isku duubnaantoodu ay leedahay muhiimad weyn oo aan agtayda ka liici karin, isla markaana u baahan tahay xirfad maamul oo laga rabo Guddoomiyaha Golaha. Sidoo kalena, ay muhiimad weyn leedahay la shaqeynta Dowladda Dhexe, iyadoo lagu xisaabtamayo siyaasadda guud ee xukuumadda,iyo illaalinta ka fa’ideysiga waxii hanti iyo khayraad ah ee aynu haysano,hawshaasi oo an ku  kasban karo,aniga oo aan faan iga aheyn,Allehna talo saaran doona.
  9. Markaan arkay magaalo joog-xumadii oo ku sii badanaysa Caasimadda, isla markaana ay kolba soo kordhayaan dhaqamo xun oo aan is leeyahay waxay keeni karan khataro waaweyn oo nafaheena halis ku ah,oo imikaba aan ii sii ifayaan wax ka qabad koodu an kasban karo.
  10. Markaan garawsaday in loo baahan yahay in laga shaqeeyo oo xoog iyo maskax badan la gashado horomarinta Caasimadda Hargeysa si ay Goboladda iyo magaalooyinka Somaliland ee kale ugu deydaan,iyo la imaanshaha ahmiyadda ay ledahay la shqeynta Waddamada Jaarka ah iyo kuwa caalamkaba xagga cimilada iyo horumarinta magaalooyinka IWM ee ay ku jirto bulshada waxtarkeedu.
  11. Markaan sida ay tahay u qaatay in Reer Hargeysa u baahan yahiin Mayar leh HAYBAD,KARAAMO,Ka daahir ah BALWAD,Lacag urursi,fuliya oo an ku ballan furun BALLAN-QAADYADIISA, ahna Mid u soo jiidikara maalgashi ku haboon ee lagulu dagaalamo SHAQO LA’AAN Dayarta ku habsatey oo aan isleyhay waad buuxinkarta astamahaasi,iyadoo Alleh aan gargaarsanayo.

Anigoo ku dhashay magaalada Hargeysa, kuna barbaaray, isla markaana ay I damqayso,kana jiifi la ahay dhibaatooyinka indhaha laga qabsankareyn ee ka taagan Casimadena waxaan ku hanweynahay in aan ciiltiro intii karankayga bahiyaha degdeg ah,islamarkaasina wax muuqda u qabto bulshadeyda deggan  Caasimadda,aniga oo qiraaya in wax badan oo wanaagsan la qabtay.

Sidaa daraadeed, waxaan jecelahay in aan helo taageerada , Niyad samida,Ducadda iyo la shaqeynta dadka Reer Hargeysa marka ay timaaddo Doorashadu. Sidoo kalena, waxaan wargalinayaa una soo bandhigayaa dadweynaha Somaliland gude iyo debadba, in aysan hawshani ka fursaneyn in aan helo una baahan tahay 10 qof oo rag iyo dumarba leh oo igula shaqeeya ,ilana daadihiya,  qabtana shaqo rasmi oo ah laba sanno ah oo la kordhin karo  inta ka hadhay Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee 2019-ka dhacaya insha Allah, oo khibrad iyo waayo- aragnimo gaar ah oo ah ku GUULEYSIGEYGA  IYO KA SII MIDHALINTA DHALINTA  QORSHAYAASHA GUUSHA MAAYARNIMADA HARGEYSA oo ay ka mid yihiin, Injineerro,City Planners, Dhakhtaro Caafimaad iyo fayadhawrka, dad ku takhasusay bilicda magaalada, Nabadgalyada, Hormarinta  Deegaanka, dhalinyarada, ciyaaraha, suugaanta,wax barashashada wax u qabadka naafada, danyarta iyo dadka laga tirada badan yahay. Waxaanan u baahanahay in ay igala qeyb qataan la talinta iyo Dhidibo-u- sii -aasida waxii hawl ah ee musharaxnimadeyda khuseynaaya ee igu aflixinaaya,sahlaayana u diyaar garowga iyo qorshayaasha aan ku hawl galayo muddada ka hadhay Doorashada Golayaasha Deegaanka. Waxaanay soo qoran karaan codsiyada ciddii danaynaysa ee isla markaana hawlahan khibrad gaar ah u leh,laga bilaabo maanta oo ah 28/12018 Arji qabashaduna socodoonto illa 28 /2/2018 Waxaanay ku soo hagaajin karaan C.V-gooda  Email: sulub2007@yahoo.com.

F.g.10 ka qof ee soo qoranaaya shaqooyinkasi, waxay yahiin shuruuduhu in ay ka fayowyahiin dhamaan balwaddaha keena khakhalka iyo dib u dhaca shaqooyinka ,in ay leeyahiin qaab dhameystiran illa xad oo habka aduunweynaha looga shqeeyo,soo jeedin kara,fulinkara qorshyaal wax ku ool ah oo lagu hawlgalaayo,leh khibradaha ay hawshani u baahan tahay,akhlaaq,daganaansho,adkaysi leh IWM.

Waxaanan u hogansananayaa dhaaman  Shuruucda S/Land u yaala ee Nidaamka doorashooyinka ee Golaha Degaanka.Sidoo kale waxan ballan Alleh ku qadaya in aan ka fogaado FANAKHFANAKH IYO SI XUM U TAKRI FALKA HANTIDA QORANKA OO AAN AHAY SHAKHSI DAGAN OO MADAXTINIMO IYO XILAL SOO QABTAY OO KA DHEER QABYAALAD IWM!! Ugu danbeystiina waxaan ku dadaali doona haddii ay ii suurto gasho in aan ku-xigeenkayga ka dhigo qof Dumar ah oo leh waxii looga bahan yahay.

Haldoor Rashiid Sulub Caalin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso