Go’aamada Sixir bararak ee ay Gudidu soo saartay

Waxaan ugu darayaa Go’aamada Sixir Bararka

Marka hore waxa aan hambalyo u dirayaa Gudida sixir bararka ee maanta ku dhawaaqday qodobada lagu xakamaynayo sixir bararka korna loogu qaadayo qaayaha shilinka JSL.

 

Marka xigta waxaynu wada ognahay lacag kasta oo aduunka ka jirta ama lacag wal oo dal leeyahay inay ka unkato dhururi(lacagta yar-yar sida cent) teenuna ugu yartahay sh.500 ee warqada ah.Waxa kale oo iyana aynu ognahay qiimaha maciishada iyo qiimaha lacagtu isku xidhan-yahiin oo hadba qiimaha lacagtu leedahay hogaamiso maceeshada.

Sidaa darteed waxa aan gudida u soo jeedinayaa inay dib u eegis ku sameeyaan qodobadan:

1.Waa in la sameeyo lacagtii yar-yarayd oo ay ka unkantaa cent.

2.Dhamaan Cashuuraha waa in lagu qabtaa lacagta dalka.

3.Dhamaan kala iibsiga dalka guduhiisa waa in lagu kala qaataa

   Lacagta dalka.

Qodobadani waxay aasaas u yahiin qiimaha lacagta iyo hoos u dhigida maceeshada xadhkaha goosatay.Waxa hubaal ah hadii aan 3dan qodob xoog la saarin inay dhibaatada sixir bararka aan la cadhib tiri karayn balse geedka baarka uun laga jaraayo.

 

Intaa waxaan ku darayaa waa inay jirtaa cidii fulin lahayd go’aamada iyo cidii ilaalin lahayd ee daba geli lahayd.Kuwaas oo noqonaya waax ka tirsan wasaarada maaliyada iyo Banka dhexe.

 

Muwaadin ka qayb qaado horumarka dalka talo iyo waxqabad hadba waxaad u aragto danta dadka iyo dalka.

 

Allaa Mahad Leh.

Xuseen Xasan Badmaax

Badmah100@hotmail.com

Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso