Dhis noloshaada qalinkii :cabdi casiis cabdilaahi xirsi Abaabul

 

 

Dhis noloshaada

Qof-kasta oo bani’aadan ah waxa uu sabab u noqdaa in uu sameeyo ilaa heer nololshiisa uu ka dhigo mid hodantinimo leh,faqiirtinimo leh ,dib u dhac leh, hor u- socod leh, badhaadhe, ducufnimo leh,  hadday tahay nolol –dhoolacadeyneysa amase nolol ciilan intaba isaga ayaa beeran kara,

Haa!  Hidde –sidayaasha iyo deegaanka kugu xeersan saameyn weyn iyo kaalin buuxda ay ku leedahay cusbooneysiinta nolosha  iyo jiheynteedaba.waxayna ku kala–gadisanyihiin hor-kac iyo hormarka ay u horseedaan cimiladaase,iyo waayo-argnimada ku kala-duugan  dadyawga iyo kartida ku ladhan ee ay is dheeryihiin.

Akhriste waxa aan marnaba la yareysan  Karin  go’aanka  qofka bani’ aadanka ah himilidiisa iyo hiigsigiisa iyo sida uu naftiisa u carbiyo,iyo in uu ku awoodo, awood ballaadhan oo u kaga adkaado caqabadaha  hida-sidayaasha iyo ta deegaankaba oo aanu marnaba is hortaagin-karin in uu noloshiisa badhaadhe galiyo,waa haddii uu ALLE UGU galladay ciddaase han-sare iyo yididiilo wacan  iyo doonis xoogan, qofkaa oo leh fikir sax ah oo sugan,xaaladaha taagan munaasib ku ah,

Arrintan ka hadalkeedu waa mid aad u bannaan cid ka hadashey aaney jirin, cidkaste oo qalinka u qaadatana ku haboon  in ay wax ka yidhaahdaan.

Bal aan kaga  kaaftoomo qormo kooban inta aan yidhaahdo tabaarka tiir bir iyo bisinka iyo yaasiinka. walibana inta aan galka seefta kala baxo , aan  burqado weedhaha dhisaya qofka morarkiisa bal aan ku wacyigaliyo.

Ha quusan ha is dhiibin  hana werwerin  filo kheyr iyo wacnaan barri-toole kuu iman,  wejigaaga ha ururin  adiga oo naftaada ka dhaadhicinaya in ay qeyrkaa kaa jaanis iyo fursado badan yahiin   oo aanad, adna dheef balaadhan ku lahayn kartidooda oo kale balse, waxa aad aamintaa in ilaalada rabaaniga ahi midhaha hawl galkaaga aanay halaynaynin,waxa dhabar jab kugu ah in aad iska dhaadhiciso amase aad aaminto naftaadu in aanay mustaqbal iyo rajo toona lahayn.

Oo aanad khayr iyo wacnaan  wiligaa iyo waqaa marnaba fillanayn.kalsooni daradana noocan waa is dhiibid dhameystirin, taasi waa sunta wax disha qofka bani aadamka ahna jidhkiisa weydeysa ilaa iilka la dhigo,

Taa lidkeed waxa aad fillataa ama saadashataa samaan iyo wanaag ogowna filasshadaasi waa hantidaada iyo raaso maalkaaga ugu qaalisan noloshaada

wallilaahay darru

  1. wax illaahay laga saadsadaa saban barwaaqaad,e
  2. wax illaahay laga saadsadaa in uu ku siiyaayay,e
  3. sacabadda waxa loo dhiganayaa ,sakhiweynaaye.
  4. wax Ilaahay laga saadsadaa in uu ku siiyaay’e
  5. wax Ilaahay laga saadsadaa caafimaad sugan ,e                           
  6. wax Ilaahay laga saadsadaa in ay samaataayay,e

 

Arrintani waxa ay waasicinaysaa ifafaalahaaga mustaqbalka waxa aanay kuu fureysaa wado cusub  waxa ku soofayneysaa aqoontaada iyo khibradaada ilaa heer wacan wixii  ay dooratay naftaado ee ka mid ah qaybaha noloshaada oo aad u adeegsato si midha dhal leh ugana faa’iidaysato sida ugu salaxan ugana suuban

Ha isku maaweelin in Aanad Ahayn qof hal door ah amase cabqari ah oo aan duruuftu waqtigan la joogo garab gelaynin waayo caalamku uma baahna cabqari iyo hal door oo kelya guushuna ma aha wax iyaga oo keliya u xaglo duuban,

Waxa dhalinyaro badan oo aamminsan in ay jiraan cid gaara oo la siiyey hibo iyo awood dheeraada oo ay qayrkood kaga hor maraan iyaga oon wax dadaal ah samayn haba yaraadee lana yimaadaan arrimo waaweyn iyadoon wax dhib ahi soo gaadhin, wax walbana ay qayrkood kaga sed helayaana uu calaf yahay ay qayrkood dheer yihiin hase ahaatee aragtida noocaase ahi waxa ay ku  tahay dhabar-jab-weyn  wax-qabsigaaga iyo gaadhida guusha , cidkasta oo ku socota dariiqa shaqada  waxa ay ka bilaabeen noloshooda cabsi iyo wallaac iyo Anfariir iyo feejignaan  ay ku sugnaayeen intii ay bilawga ahaayeen, oo ay isla ahaayeen tallo waxay noqon,

Waxa ay ku guuleysteen ciddii guuleysatay markii  ay arkeen in ay gacantooda ku jirto  ileyska uga baxay kaasoo waayo-argnimadooda ku sugan,  taasoo ay ku ifistaan  dariiq kuna boorisay  hor-socod  waaxna ya ku kasbadeen waa furo kaliya  oo ah waayo aragnimadoodii iyo sabirkoodii ay u yeesheen shaqdoooda go’aankee ay ku dhabr –adaygeen  tallaabooyinkii ay hore ugu socdeen   ee uu sabirku saaxiibka u ahaa  ayay ku ogaadeen  in ay ileyskii guusha gacantooda ku jiray  tubtii saxda aheydna  ka may maagmaagin jeero ay gaadheen  wadadeed  yoolkooda gaadhsiineysa,

Qofka dhalinyarada ahi Habka iyo dareeqa ugu wanaagsan ee guusha nololshaad aad ku dhis kartaa waa  in uu yeesho tusaale ugu  sareeyay iyo yoolka ugu ballaadhan uu bidhaansado una baadigoobo waxna uu dhigayaa abidkiisa hadafkiisaa indhahiisa hortiisa waanu uu haw-galayaa in uu hanto ujeedooyinkan waaweyn  ee nolosha macno ku leh, Sida in uu  noqdo mid ka mid ah,

  • Aqoonyahan weyn oo waxa la weydiiyo,
  • Farsamo-yaqaan weyn oo laga danbeeyo,
  • Siyaasi weyn oo ruug cadaa ah oo dalka haga,
  • Abwaan weyn oo dhagaha loo sifeysato,
  • Feylasuuf weyn oo wax odorasa,
  • Garyaqaan weyn, oon laga daba dhufan garta,

 

Haddaba Akhriste cidda ku qanacda heerarka loo tartamo wax ka hooseeya ,waligii iyo waaqiis ka soo waaqsan-maayo ayaayufnimo iyo xaalad hooseyna ah oo u ku sii hoobto yoolka uu jeexday yaraantiisa awgeed,

 

Waxa aynu aragnaa nolosheena  caadiga ah  cid  go’aansata in ay socdaasho  hal kiiloo mitir waxa uu dareentaa  daal marka uu dhameeyo halkii kiiloo mitir . balse qofka go’aansada in uu socdaaalo shan kiiloo mitir  waxa u dhaqaajiyaa seddex kiiloo mitir isagaoo aan daalin.  waayo  qorshahiisa wuu ka  weyn yahay hankiisuna ka durugsanyahay ujeedadiisuna way ka durugsantahay hal-kiiloo mitir, in u ku daalo

sidoo kale waxa aynu  Arkeynaa  cid kasta oo u calaamadisa nafahooda hadaf cad iyo ujeedo dhiniciisana u socota daacadna u ah  dareenkoodana wadasiiya kuna dadaala gaadhidiisa waxa ku guuleystaan xaqiijinta himiladooda iyo ka midha dhalinta yoolkooda ama waa ay sigaan

sababaha ugu waaweyn ee keena dib u dhaca waa in nafaheena u samayno cudurdaaro mala’awaal ah iyo caqabado taasoo inagu noqota deyrkii paarliin inagana ooda neecawda rajada aynu leenahay taasoo hoojisa nafteeda marna aynu ka shakino cidhibta danbe arimahaasi  waxa ay keenayaan kufitaan iyo dib u dhac weyn oo aad naftaada soo gaadha ka dib markii ay malahaaga ka buuxsantay mustaqbal sharafle kuu muuqan, gabal baasna uu u dumeyna waayahaaga,

 

 

qofka banu aadanka ahi  waa sidii Ubax soo feelaya,oo mar walba waxa uu isku dayayaa in uu hawada u soo baxo,  oo uu hor- u socod sameeyo  sidaa awgeed bay dhabar-jab ugu tahay caqabatahaa aanu sheeganay ee rajo xumidu kaw ka tahay ayna yihiin kuwa ka hore istaagaya in uu midho  iyo aayo yeesho waxaana qofku ku baxaana waa yididiiladiisa, hanka sare  iyo himilada u ku taamo in uu gaadho.

Haddaba  Akhiriste  tusaale  sare ee ay hiigsanayaan barbaartu waa huritaan iyo halgan  ay waajib tahay in laga hor mariyo wax walba  oo aaney noqon tacab maal  kaliyay  iyo waxa lagu kasbaday dariiq xeeladeysi  ah.

Gafananimada lagu noqdo dadka lana dhiig-miirto taase guush lagu gaadhaa waa anshax xumi iyo habka ina gumeednimadu biyo dhigtay,  ay ku xoogsadaan.guusha lagu dhisaan waa mid raqiis ah.

Haddaba guusha dhabta ah waa cidda kulansada  in uu ku guuleysto shaqadiisa  si ammaano leh  iyo dhibirsanaan  saamaxaad iyo sama-fal uu u samafalayo dadka taagta daran iyo kuwa baahanba.  Waayo dadka kugu xeersan looma abuurin  in loo isticmaalo walax aad iska yeelatay rabitaankaaga  ugu shaqeysato  uguna faaideysto  saad doontaba u yeeshid waxa loogu talo galey in aad is weydaarsataan  manfac wanaag saxan akhriste waxa  ah wax laga  xumaado in ay dadka qaar ayaa ku qiyaasa guusha qofka ee u gaadhaa  maal iyo hantidu  ay tahay miisaan dhabtaha ee guusha ugana dhiga kasbashada maal aduun oo qudha,

Taase waxa ka sareysa  oo lala qabaa qofka leh anshax iyo qiyama  ka toosin uu yahay mid aan dhan uga leexan uu yahay ka tusaalaha mudan leh ,ka  dibna yuu san wada helin dhammaan baahiyihiisa odhan kaasbaa kheyr badan  bulshadiisa  ka daneysa taha ee aan xushmo laheyn,

Kuwaasoo uu yoolkoodu  dhan adduun  qudh uu yahay  si u hella lahaa xittaa hadday  dad qoortood ka dultalaabsadu ay noqoto,

taasi  waa Anshax xumid  ka mid ah  hababka  inay gumeednimada  guusha lagu dhisaana waa  mid raqiisa haddaba guusha dhabta ah waa in  uu kulansado wiilka dhalinyarada Ah in uu ku guuleysto shaqadiisa ka wacan  Akhlaaqidiisa  iyo dhibirsanaanta  iyo saamaxaada leh ba isagoo  u samafalay  dadka  tag-daran iyo kuwa baahanba,

 

Qof ka bila’aadankii maaha neef xoolaha  oo ay ku deeqdo in uu wax cuno  waxna cabbo, ta u qiimaha u yeelaysa inta uu leegyahay quudhiisa qaddarka  ay leegtahay  maalkiisa  taas oo u wax macaan ku cuno una sharaabkana cabbo ta ugu macaan waa in u ka sareeyo qiimaha  qofka  adamaha ahi  arintaasi.

dhab ahaantii waa mid wanaagsan in la xoogsadaa oo waaArrin la rabo  waajib ah waan  guusha maadiga ee nolosh loogu guntanayo ,balse waa in wax leyskula hadho sharafta la dhawro caado qaato-nimada iyo hunguri weynida oo ah Anshax xumi ku ah shakhsiyadiisa,

 

 

cidda si dhab ah u guuleystay waa kuwa ku raaxeystay  jecaylka ah falka wacan  iyo jecaylka  quruxda ficilka wanaagsan, qawlka  wacan  uu leeyahay adduunku,  taase  buu dareemaa daacadnimadana u dhadhansadaa ,dareen wanaagsan  laab  saafi  ah oo  u adeegta  bulshada,

 

waxa yaalahaa ugu muhiimsan ee aad nololshaada ku dhis kartaa waa kalsoonida naftaada aad siiso amminsanaanta  aad aaminto in ay tahay mid ku haboon  halgan  oo diyaar u  ah in ay guuleysato,

ma jiro wax  uga dhibbaato badan  qofka bani’aadanka ah  in uu naftiisa ka aamino liidnimo,amase uu yareysto oo u ka aamino tamar darro  ayna waxba qabsan –Karin,

dadka qaar waxa haleela cudurka dilaagaah ee  qofka u ku dhacaa u ku daayay, oo ah  han jabka nafta, aynu odhan karno waa in uu iska aamino arintaas,

waxayna naftu iska  aaminsanyihiin waxba-yahay,taase waa gafweyn oo ay ka  galeen naftooda iyo ummadooda waxaana ay dhabarjab ku tahay himilada ay ku taamayaan waana dilaa oo moraarka iyo waxqabsiaga  meesh ka saara,

haddaba akhriste waxa kaaf iyo kala dheeri ah ixtiraamka nafta iyo sharfid aad  sharafto,naftaada iyo kibirka iyo qabka isla weynida dhuux iyo lafta ku saaqa, wey kala gadisan yihiin,

ixtiraanka iyo qadarinat naftu waa  in aad hankeed kor u qaado ood sharftu wixii aan ku habooneyna in aad ka dhawrto , kibirkuna waa waxa aanad mudanayn  ood baadi goobto adiga qab u qaanshaartay, hadana maamuus u soo cummaamaday muuqaallo  huu haayana oo aan qiimo laheyna isku maaweeliyso, arki weydna qadarkaa inta u leegyahay,

waxa aan kugula talinyaa si aad noloshaada u dhistid waa in aad u dhoolacadeyso noloshaad waayo u dhoolacadeyntu  waxa ay  firfircooni galisaa caqliga  iyo jidhkaba  waxa ay kal yareysaa daalka iyo tacbaanka  iyo culuska  nolosha waxanna ay nafta  u ifisaa ifafaale-san iyo mustaqbal ifaya,  kalsooni dheeraad ahna  wey siisaa  qofkan waxa ay  furtaa adduunka wajigiisa quruxda badan, saabuun bay u tahay waayaha aduunka iyo walaaciisa haddii aanu qosol jiran qalbi guuleystaa ma ku jireen dhool la cadeeyo ayay nolosha dhibaatadeeda lagu yareeyaa, dadka nolosha u dhoola cadeeyayaa dadka kale way ka shaqo iyo firfircoon badanyihiin, inta badan way faraxsanyihiin oo marka aad aragto farxad baad ka qaadaysaa,halka dad waji macbuus ah aad yalaaligooneysid mar ka aad la kulanto inta badan waxa  ay ka sheekeeyaan ba iyo hoog noloshan way u calaacalaan dhibaato wariyayaal weeyaan rajada gabi laga saaray,

sidaasa wax ka gadisan dadka nolosha u dhoolacadeeyaa wey ka waji furanyihiin , wayna ka waxqabad badanyihiin dadka kale nolosha way ugu farxad badanyihiin, hawlaha Adag  qabashadooda ku fiican, rajadana abuura xalan u raadin badan qabadaha soo waajaha , 

AKHriste  tani waa talo dhalinyarada aan u soo jeediyay oon ku iftiiminayo waayaha ku gadaaman dhalinyarada.

 

 

 

qalinkii :cabdi casiis cabdilaahi xirsi Abaabul

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso