Hilib Doofaar Loo Waday Hudheelada iyo Goobaha Cuntada Fudud ee Qahira oo La Qabtay!!!

Warbaahinta Masaarida ayaa dhawaan ka soo xigatay Agaasinka Daaweynta Xoolaha ee Veterinary Medicine ee Qaahira, qabashada doofaaro la qalay oo aan haysan fasax deegaanka Manshity Nasser, iyada oo laga iibinayay hilibka doofaarka maqaayadaha u gaarka ah kebabs iyo cuntooyinka fudud ee magaalada.

Wargeyska “Ahl Misri” ayaa sheegay in baadhitaanka Agaasinka Daaweynta Xoolaha ee Veterinary Medicine ee Qaahira, iyadoo la kaashanaysa Baadhita Dakhliga, “wuxuu maareyay in uu xakameeyo qabtana meesha lagu soo qalayay gawracan aan fasax haysan dambiilahana waxay u soo bandhigeen xeer ilaaliyaha si tallaabo sharci ah looga qaado isaga. .

Dr. Abi Obaid, oo ah kuxigeenka agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha ee Qaahira, ayaa sheegay in hilibkan doofaarka la googooyay si loogu iibiyo Hilib Xoolaad ahaan dukaamada cuntada iyo dukaanada Supermarket-da, wuxuuna xusay in ay qabteen 14 doofaar oo loo kala jarjaray laba meelood iyo 140 Kilogram oo Hilib Doofaar oo googo`an.

Obeid ayaa intaa ku daray in “laba ka mid ah mas’uuliyiinta mas’uulka ka ah qalitaankan aan la fasaxin la xidhay, iyada oo lala kaashanayo Waaxda Baadhista iyo diyaarinta diiwaanka xadgudubka.

Ku xigeenka Agaasimaha Daawada Xoolaha ee Qaahira ayaa sheegay in goobta lagu qabtay tiro yar oo ka shaqeyneysa hilib doofaarkana qaybinaysa fiidkii, intaasna wuxuu ku daray in hilb doofaarkii la qabtay dhamaantii la gubay..

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso