Daawo: ” Xildhibaanadii Hadlay Ee Arinta Mooshinka ka hadlay Qaarna Xildhibaano Wanaagsan ayey ahaayeen Oo Wax qabta Qaarna Is Xasuusin ayey ahaayeen oo Mayorkii wuu idinka Mashquulee is xasuusiya ayey ka ahayd”. Soltelco

Hargeysa(Toggaherer)- Maayirrka Caasimada Somaliland C/raxmaan maxamuud Caydiid ayaa Hortagay Mudanayaasha Guddida Joogtada Ee Golahaasi Guurtida Somaliland.

waxaanu Maayirka caasimada somaliland C/raxmaan maxamuud caydiid warbixin Ka siiyey
Howlaha Horumarineed Ee Ay Ka wadaan Magalada Hargeysa,iyadoo wadooyinka ay ka wadaan
casimada qaarkood ay ku dhowdhow yihiin dhammaad,waxaanu maayirka caasimadu yidhi:
(waxaanu dhammaystirnay labada kilomitir Ee galbeedka iyo Bariga caasimada Somaliland,waxaanu dhammaystirnay wadada garoonka diyaaradaha tagta oo aad ogtihiin culayska ay leedahay,anogoo ku xigsiinay wadad maxkamada ,waxaanan ku xisiinay wadada labaad ee hormarta madaxweyne ku xigeenka ,wadada cisbitaalka galbeedka ka marta ,wadad gasha hay-adda shaqaalaha ,wadad baar Hargeysa ,wadada khayriyada .
dhammaan wadooyinkaasi oo ah wadooyinka waa weyn kuwa u kala gudba dadabeed waxaanu dhisnay wadada ina naxar ,tan siinay waanu ku xidhnay ilaa garoonka diyaaradaha ,waxaanan doonaynaa in garoonka diyaaraduhu ay galaan ilaa shan wado ,wadadii ina mooge ka baxaystay qayb way dhisan tahay qayb kalena waa carro tuul,wadadaasi oo dhinac kaga xidhmi doonta xaafada digaale ee Magalada hargeysa).
Daaw- warbixintaasi oo faahfaahsan:

Advertisement

Ku Xayeysiiso