Maayirka Soltelco Ma Ogyahay Inaan Xildhibaan ahay. “Mid ka mida xildhibaanada golaha deegaanka caasimadda hargeysa”.

Maayirka Soltelco Ma Ogyahay Inaan Xildhibaan ahay. “Mid ka mida xildhibaanada golaha deegaanka caasimadda hargeysa”.

 

Maalin dhaweyd waxaan dariiqa kula kulmay nin ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka hargeysa. Waxaan ku idhi waar xildhibaan imika maxaa idinka qaldan miyaydaan ahayn xildhibaano codkii shacabka ku yimid, kuye maya waanu nahay lkn ma ogyahay maayir soltelco inaan ahay xildhibaan????!!!!!.

Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye golihii deegaanka caasimadda hargeysa waxay marayaan maayirku ma ogyahay inaan xildhibaan ahay.

Markaan sii wareystay xildhibaankii wuxuu ii sheegay sababta ku kaliftay inuu yidhaahdo odhaahdan. Taas oo ah markay 17 + isaga ay xilka ka qaadi karayaan maayirka ayay badi xildhibaanadii noqdeen kuwo shiciba oo aan gudan karayn xilkii shacabku u soo doorteen.

Arinkaasi wixii uu lahaa denbi & gabood falna wuxuu dusha ka saarey xildhibaanku goleha dhaameel quutayaasha alle meel baas ha mariyee ka dib markay maayirada gobolada dalka ka qaateen laaluush & blocks dhul ah oo ka mid ah hantidii qarankee la boobayay inay ka dhigeen maayiradii  kuwo aan cidi ridi karayn iyagoo ka dhigay 17 xildhibaan inay ka qaadi karaan maayirka caasimadda. Halkay markii hore ka ahayd hal dheeri inay kaga qaadi karayeen xilka maayirnimo. Arinkaa ay sameeyeen golihii wakiilada ee shacabka matalayay waxay sabab u noqotay saddex qodob Oo kale ah:

  1. Inay maayiradii dalku noqdaan kuwo aan cidi ridin oo xilkoodiina noqdo dhaxaltooyo.

  2. In xildhibaanadii golayaasha dalku noqdaan kuwo shacab ah Oo gidaarada fadhiya &

  3. In la waayo isla xisaabtankii & check and balance-gii keenay in la sameeyo golayaal deegaan.

Hadaba qaar ka mida golaha wakiilada ayaa soo jeediyay maalin dhaweyd in wax ka bedel lagu sameeyo xeer lr. 23. Oo ay ku soo celiyaan meel dhexe oo noqonaysa inay 13 xildhibaan ka qaadi karaan xilka maayirnimo.Xildhibaanadaa soo jeediyay arinkan oo aan odhan karo waa intii damiirkooda ay wax ka sii noolaayeen ee aan wali iilka la wada dhigin. Xildhibaanadii mooshinka sabata bixinta ah golaha hor keenay waxa ka mid ahaa xildhibaan salle caleen oo isaga marnaba uu qalbigiisu dhiman. Ileyn meesha xildhibaano cid ka wakiil ahi ma joogaane, waayo waxay noqdeen kuwo calooshooda u shaqeystayaala oo caqligoodii noqday hadaba wixii calooshooda galaya uun.

Sidaa darteed shalay ayay shir jaraa”id iskugu yimaadeen badi xildhibaanadii golaha deegaanka caasimadda hargeysa iyagoo soo dhaweynaya mooshinkaa golaha wakiilada la hor keenay, runtiina mooshinkaasi wuxuu ididiilo xoogan galiyay xildhibaanadii uu hore u waxyeeleeyay wax ka bedelkii lagu sameeyay xeer lr. 23.  Kaas oo debadda wada dhigay xil gudashadoodii meeshana ka saarey codkii shacabka kana dhigay hal bacaad lagu lisey.

 

Anaguna ka shacab ahaan waanu soo dhaweynaynaa in mooshinkaasi noqdo mid meel mar ah. Oo soo nooleeya ididiiladii shacabka & kii gole deegaanada dalka oo dhan. Ileyn siba sibey dhaantaaye.

 

Qalinkii: garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso