Ma Jiraa Xilldhibaan Ka Mudan Maayarka Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi Oo lagu Badalaa?

Ma Jiraa Xilldhibaan Ka Mudan Maayarka Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi Oo lagu Badalaa?

Ma Jirtaase Talaabo Bulshada G/Gabiley Farxad Galisa Oo Ay Qaadeen Xilldhibaanada Warbaahinta Ka Dhaliila Maayarku ?

Daljir samaha nagu daajiyoo daacad ku hogaansha

Nin daneeya baahida dadkoo danaha guud eega

Dakhligiyo cashuuraha ninkaa nagu daryeelaaya

Dariiqyada nin noo wada dhisoo dawga ku hagaaja

Dufan jecel danaystaha u badan naga dabaalaaya

Gabaygii Daljir Erayadii iyo Qalinkii :- Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle   

Waa hubaal in dadka guusha gaadhaa aanay Guul wayn ka bilaabin,balse wax yar ayay si wanaagsan u qabtaan, inkasta oo Mudanayayaasha qaarkood Shaqo ka dhigteen in ay dhaliilaan Maayarkii ay doorteen,iyagoo Mudanayaashani ku dhaliila Maayarkii ay doorteen maalinta Jawiga Cimiladu kulul yahay, halka marka jawiga Cimiladu qaboobana ay ku dhaliilaan Maayarkii ay doorteen,iyagoo Xilldhibaanadani maalin kasta Warbaahinta u mariya Dhaliilo Maayarkii ay doorteen,waxaase iswaydiin mudan,miyaanay Dhaliisha Warbaahinta ka mudnayn in ay noqdaan Xilldhibaano Xill-gudasho la yimaada oo sida Xeerku siiyay Jaangoonta Siyaasadda Maamul iyo Horomarineed ee Deegaanadii laga soo doortay.

Waxayna Bulshada ku dhaqan G/Gabiley,sida dayax iyo Shann Tobnaadka ugu muuqda,Waxqabadka iyo Horomarka uu ku suntan yahay Maayar Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi,isagoo ka fuliyay Muddo Laba Sannadood iyo badh ah uu xillka hayay,Mashaariic tiro badan oo aan Qormo kaliya laga soo koobi Karin,isla-markaana aan laga fulin Caasimada Labaad ee S/land ama Dagmooyinka waawayn ee Dalka sida Dagmada Burco,waxaana ka mida :-

1: Maayarka Gabiley,Maxamad Amiin Cumar Cabdi,waxuu Magaalada Gabiley ka hirgaliyay Garoonka Kubada Cagta ee loogu magac daray Orodyahanka Caanka ah ee Mo Farax oo uu ka dhisay Magaalada Gabiley,waxaanay Bulshada Gabiley ka warhaysaa in Garoonkii kubada Cagta ee Dagmada Burco wali dunsan yahay .

2:  Maayarka Gabiley,Maxamad Amiin Cumar Cabdi,waxuu Magaalada Gabiley ka hirgaliyay Wado Afar haada oo Badhtamaha Magaalada dhex marta,waa markii u horaysay ee Dagmo aan Caasimada Hargaysa ahayn laga hirgaliyo Dagmooyinka dalka S/land, Wado Afar haada .

 

3: Maayarka Gabiley,Maxamad Amiin Cumar Cabdi,waa Maayarkii u horeeyay ee dhisa Biriishka isku xidha Daafaha Magaalada Gabiley oo dhibaato badan ku hayay Bulshada Gabiley halka, Garoonka Kubada Cagta ee sida Casriyaysan loo dhiso ee Mo Faarax uu Magaalada Gabiley ku xidhayo.

4: Maayarka Gabiley,Maxamad Amiin Cumar Cabdi,waxuu ka qaybqaataa xalinta Khilaafaadka iyo Korinta Horomarka iyo Waxqabadka Dagmooyinka kale,ee G/Gabiley hoos yimaada,waxaanu dhaqaale badan ku bixiyaa sidii ay u dabooli lahaayeen Adeegyada Aaasaasiga ah ee Nolosha Aadamuhu ka maar Karin .

 Muddo Shan iyo Toban Sannadood ayaa laga joogaa markii ay S/land cagta saartay Geedi Socodka Dimuquraadiyada,waxaana ka dhacay Dalka S/land,Laba Doorasho oo Golayaasha Deegaanka lagu soo doortay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka,iyadoo maanta Bulshada G/Gabiley iswaydiinaysa,Maxay Xilldhibaanadii Codkooda sida tooska ah ugu soo doorteen kaga duwan yihiin Masuuliyiintii Dagmooyinkooda loo soo Magacaabi jiray ? Waa sidee Hanaanka Xiilgudasho ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley? Imisa Xeer ayay dajiyeen Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley muddo Shann Sannadood ah oo ay xillkaasi hayeen ? Imisa kallfadhi ayay isugu yimaadeen Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ? Xog-ogaal ma u yihiin Baahiyaha ka jira Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Deegaamadii laga soo doortay ? Haday Xog-ogaal u yihiin ma  buuxiyeen inta karaankooda ah ? Muddo Shann Sannadood ah oo Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Xillka hayeen ma qaadeen Talaabo kaliya oo Bulshada G/Gabiley farxad galisa ? Muxayse salka ku hayaa Khilaafka iyo Muranka ka soo noqnoqda Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley oo ku fashilmay Xeer Dajintii loo soo doortay

Dhamaan Su”aalahaa Jawaabahooda waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha Qormadan Xilldhibaanada Golaha Gabiley inta Warbaahinta Maayarka ka Dhaliishaa , waxay Dadka Arimaha Siyaasada u kuur gala xog-ogaal u yihiin in ay dull hoganayso Xillgudasho La”aan oo aanay Gabi ahaanba moog yihiin in aanay Masuuliyadi ka saarnayn Deegaanadii laga soo doortay,waxaanay uga faa”iidaystaan Warbaahinta, Bulshada G/Gabiley oo inta badan ay ku yar tahay fahanka guud ee ay ka haystaan,Maamul daadajintii iyo sabobahii loo soo doortay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka,ball aan wax yar ka iftiimiyo Qodobada  Xeer Lr, 23,oo si cad u kala qeexaya Awoodaha Xilldhibaanada Golaha Deegaanka iyo Maayarka Gabiley .

Gole Deegaan:Waxa loola jeedaa (Gole Degmo) Xubnaha Dadweynuhu si sharci ah ugu doorteen hogaaminta Maamulka iyo sharci Dejinta Degmada.

 

Duqa/Mayor: Waxa loola jeedaa Xubinta Golaha Deegaanka Ee Degmo iska dhex doorteen in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada iyo kan Golaha Deegaanka .

 

1: Xilldhibaanada Golaha Deegaanku,waa Golaha Xeer dajinta ee Dagmada,waxaase iswaydiin mudan, Xeerka ay dajiyaan Golaha Deegaanku,Ma Gabiley uunbuu ka shaqaynayaa.mise waxuu ka shaqaynayaa Deegaanadii laga soo doortay ee Lix dagmo ee G/Gabiley ka kooban yahay ee Dagmada Gabiley ka midka tahay .

2: Waxay u kuur galaan Xilldhibaanada Golaha Deegaanku Xaalada dhabta ah ee Deegaanadii laga soo doortay, waxaanay hubiyaan Adeegyada Aasaasiga ah sida:- Biyaha,Caafimaadka,Waxbarashada Hoose Dhexe, Laydhka,Nadaafada iyo Fayo dhawrka guud,waxaase iswaydiin mudan,maxaa ka hor-taagan Xilldhibaanada Golaha Deegaanka in ay jaangooyaan  Siyaasada Maamul iyo horomarineed ee Deegaanadii kale ee laga soo doortay ee Xeerku siiyay,mise Gabiley uunbaa laga soo doortay?    

3:  Waxay Qorsheeyaan Xilldhibaanada Golaha Deegaanku Kharashaaka ugu jira miisaaniyada,waxayna u kala hor-mariyaan sida ay u kala baahi badan yihiin,Deegaanadii laga soo doortay.

4:  Waxay wax kabadal iyo kaabis ku sameeyaan Miisaaniyadaha Fulintu soo diyaariso,ee Dagmooyinkii laga soo doortay,iyagoo ku Ansixiya Cod hall dheeri ah,ka dibna waxay ku kormeeraan Gudoonkooda Fulinteeda,waxaase iswaydiin mudan,maxaa ka hor-taagan Xilldhibaanada Golaha Deegaanka in ay Miisaaniyadaha Dagmooyinka kale ee Xeerku siiyay Saamayn ku yeeshaan.

  

Isku soo wada duuboo,waxay Bulshada G/Gabiley ka warhaysaa Horomarka iyo Waxqabadka uu ku talaabsaday muddada uu Xillka hayay Maayarka Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi,waxaan ku soo gunaanadayaa Qormadayda:-Ma mudna in ay Bulshada G/Gabiley dhagaysato Xilldhibaanada Warbaahinta ka dhaliila Maayarka Gabiley ee Waxqabadka iyo Horomarka ku suntan.

Erayadii iyo Qalinkii :- Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso