Daawo :Suldaan Aadan Faarax Iyo Suldaan C/Raxman Cawaale Hurre Oo Baaq-Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Martay Deegaanka Ceel Af-Wayn, Sidoo Kalena Meel Adag Ka Istaagay Hadalo Ka Soo Yeedhay Suldaan Xasan Iyo Suldaan Maxamed .

Suldaan Aadan Faarax Cumar  iyo Suldaan C/Raxman Cawaale Hurre oo ka mida salaadiinta waawayn ee Reer Somaliland ayaaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa .

Waxaanay ugu horayn labadan suldaan ay baaq-nabadeed u direen Beelaha Walaalaha ah ee ku Diriray Deegaanka Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag .

Labadan suldaan ayaa meel adag ka istaagay hadalo ka soo yeedhay salaadiin ka mida kuwa Somaliland, waxaanay uga digeen salaadiintaas hadalada naxliga ah ee kala qeybinaya bulshada Reer Somaliland .

Sidoo kale Suldaan Aadan Iyo Suldaan C.raxman ayaa fariin isugu jirta waano iyo dardaaran u diray Axsaabta Qaranka .

 

 

Hoos Ka Daawo Muuqaalka .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso