Wefti uu hoggaaminayo madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku tagay deegaanka Dararweyne oo dhawaan dagaal ku dhexmaray Laba beelood iyo amar uu siiyey Ciidanka.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa goboladda barriga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta gaadhay deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-Afweyne ee gobolka Sanaag.

Weftiga uu hoggaamiyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka koobnaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Ciise Yuusuf , Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Saleban Cali Koore , Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maxamed Muuse Abees iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taanni ayaa halkaasi u tagay xog ka helida xaalada deegaankaasi oo dagaal ku dhexmaray laba beelood oo dhaleeya ah.

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taanni ayaa markii ay gaadheen deegaanka Dararweyne Salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Taliska saddexaad ee Ciidanka Qaranka oo hawlgal xasilin nabadgalyo ah loo geeyay deegaanka Dararweyne oo dagaal ku dhexmarayo beelo dhaleeya ah oo halkaasi wada dega.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaciil Taanni ayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadceliyay shaqada balaadhan ee ay qaranka u hayaan iyo doorkooda nabadaynta ee deegaanka Dararweyne Waxa uu taliyuhu si gaar ah u xusay Guutooyin ka tirsan Taliska saddexaad oo muddo laba sano ku dhow kala horjoogay labadani beelood.

Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Ciise Yuusuf iyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay ayaa igu ciidamada ku amaanay waajibaadka shaqo ee ay gutaan iyo baahida loo qabo wakhtigan inay gacan bir ah ku qabtaan ammaanta deegaankani oo ka dhaceen dagaal beeleedyo muddo soo noqnoqday.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa ugu horeyn dadweynaha Dararweyne uga tacsiyadeedayay dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Dararweyne ee u dhaxeeyay laba beelood ee dhaleeyada ah, isaga oo sidoo kale bogaadiyay ciidamada qaranka ee kala gaadhay beelahan Waxaannu yidhi “ Wax aan bogaadinayaa ciidanka Qaranka , booliska iyo hay’addaha kala duwan ee amniga ee marwalba heegan u ah inay badbaadiyaan umaddooda iyo hawsha aad ku jiraan oo ah hawl aad iyo aad u qiimo badan oo abaalkeeda qaranka iyo umadda reer Somaliland aad ka heli doontaan, aad iyo aad baan horta idinka idiin hambalyeynaynaa ”.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ayaa ciidanka Qaranka Somaliland eek u sugan dararweyne ku amray inay gacan bir ah ku qabtaan amniga isla markaasna ay la wareegeen dhammaan qalabka ay sidaan beelaha dagaalamaya iyo gaadiidka ay u adeegsanayaanba hantidaasina ay noqon doonto hanti qaran. Waxaannu yidhi “ Waxaa nasiib darro ah iyadoo diyadii la kala qaatay , iyadoo dhaar la isu mariyay , iyadoo gacmaha laysu saaray oo nabadayn la bilaabay inay doraad si yar oo fudud u bilaaban tahay aad baanu ka xukumad ahaan uga xunahay , Waxaanse idin leeyahay aniga oo Madaxweynaha kaga wakiil ah maanta laga bilaabo waxaad amar ku qabtiin in aannay cid dambe oo la barbarayaa aanay jirin , cid dambe oo la baryayaa ma jirto , Saacadaa laga bilaabo cid dambe oo far qaada haddii wax alle iyo wixii ay haysaan ee aad qabataan waa hanti Qaran” .

Advertisement

Ku Xayeysiiso