MAXAA NALAGU DILAAA OO NALUGU DAGALAA: (W.Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

MAXAA NALAGU DILAAA OO NALUGU DAGALAA: (W.Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)
Waxay ahayd saman barwaaqo ah dhulka waxaa jiifa xareeda oo inta ay meel walba ka buuxsantay laga dhaansado dagalka guryaha, caanaha ayaa weel walba ka buuxa oo marka cidi cabiwayday loo qoday godad lagu shubo, xooluhu ma fogaadan oo barqo dharag awgii duleedka ayay fadhistaan qaarba dilaaca oo dibiro awgeed u dhinta, cida shimbiraha iyo dananka raha ka dul mushxaradaya baliyadda ayaad mooda codad muusiga oo laba dhacaya, kasakow intaaba noocyada ubax manka oo midaba kala duwan ayaa dhirta dusheeda ku shaqlan kana muuqda.
Waxaanu ku soo hoyanay nabad iyo barwaaqo, waxaanu ku jirnay nolol la mahadiyo oo aanu kuwada qadanay dhamaan qoyskygii oo uu noo dheera boqorkayaga oo aanu lahayn talo wadaag iyo halkay danta reerku ku jirto nagu hogaamin jiray.
Nasiib daro waxay ahayd malin isniina, waxay ahayd malin madaw oo anan ilaabi Karin murugada iyo dhiilada ay wadaty markii aanu ku waabarisanay dulaan arxan daro ahaa oo ay ka qayb qadanayaan boqortooyadii awalba banaysaty dhigayaga iyo maalkayaga ay ku qubaan xaqdaro kuna qataan awood iyo xoog ay isbadayaan, waxay hortayda ku dileen walakay oo iga waynaa iyagoo u dilay si ay dilayaan xayawaan aan la xisaabinayn dhigiisa iyo dheecankiisa, waxaan eegay xaga bariga oo ay 10 kamida cadawgii axmaqahaa intay isugu tageen aabahay ay ugu tumanayaan sida dhulka loogu socdo, waxaa hortayda ka muqatay walash iga yarayd oo aan aad u jeclaa marwal wada ciyaari jirnay oo qaylinaysa iyadoo leh walalo I bad baadi, walalo nimanka iga qabo, waxaa soo cararay ano arkaya mid kamida kuwii na soo werary oo ku hubaysan qalab dagaal kuwii ugu xumaa ee aan arko wuxuu dabooshay wajiga iyo gacmaha wuxhuu walashay iga yar ka laagay beerka ilaa ay matagtay dhiig, kamuu tagin inta uu kor u qaaday ayuu madaxa dhulka ugu dhufty dhigii ka baxayna uu igu yimi halkaygii.
Waxaa intaaba ka darnayd markii aabahay oo ka mid ahaa ilaalada boqorkayaga iyo boqol kale oo ilaalada boqorka ahaa lagu guray jeel aad moodo qafaska Shinida oo dhan walba ka xidhan kadib inta lagu xasuuqay sun aad moodo qiiq kaas oo gumaaday Abahay iyo boqolalki dhalinyarada ahaa isla mar ahaantana boqorkayagiina maxbuus ahaan u kaxaystay.
Waxaan arkay hooyaday oo uu nabar aad u wayni madaxa kaga yaalo oo aad u dhiigbaxaysa waxay lahayd hooyo dhintaye adigu baxso, hooyo carar waxaa isoo eegay mid kamida kuwii hooyady dilayay oo yidhi waar qabta yanay baxsane, waar qabta kuwii horaa yacay sida shinidee oo balal yeshaye, markaan intaa maqlay ayaan boday nasiib daro waxaa madaxa iga qabsady nabar aan garan wayay wuxuu ahaa kaas oo aan la dawakhay ilaa aan gadhay inaan miyir beelo kala garashadiina iga tagto qadar miridho ah ka dib waxaan soo bararugay iyadoo ay agtayda joogan qaar kamida kuwii hooyady dilay anigana madaxa igaga dhuftay nabarka dhawaca inta leegna ii gaysty, waxay kala qaybsanayan hantitayadii, waxay cunayaan wixii caruurtayada aanu u tabcaynay sanadada badan iyagoo ku kaftamaya waar macanaa ma malaabaa.
Waxaa si kadisa ii arkay mid I dultagnaa isagoo leh waar way noshahay ee iyana dila, wuu igu soo dhaqaaqay isagoo gacanta ku sita haan ay ka buuxdo sun aad moodo qiiq oo ahayd tii reerkayag lagu madhiyey isagoo doonaya inuu igu bufiyo ,waan kacay oo aan ku booday wajigisa nasiib daro maan lahayn awood aan iskaga difaaco nabarka igu yaala awgii iyo dhiig badan oo iga baxay dartiis balse waxaan la helay qaniinyo aan ka qaniinay dhabanka daanka bidix isagoo qaylyaaya ayuu yidhi aar maxay ugu muday aar xanuun badanaa balayadu ma waxay igu muday miciyihii caruurnimo ayaan ka dhicin, wuxuu la soo baxay fash aad u afbadan wuxuu ula soo dhaqaqay xagaygii nasiib wanaag lugaha waxba kamaan qabin oo waan cararay anoo aad moodo inaan dulaayo kana dhereryey cadwgi aan noo kala eegin caruur iyo ciroole hantitayadii aanu inta badan tabcanaynay xoog ku qaatay.
hada waxaan jooga dhul cidla ah oo aan cid iyo ciirsi ii joogin, waxanan waxba cunin tobanan cisho oo aan ku soo jiray safar aan la baxsanayay naftayda,mana jiro sharci iyo dawlad naga qabanaya dulkan xalashaday dhiigayaga iyo maalkayaga, gaajo iyo haraad dartiis ayaan suuxay sacado badan ka dib waan soo miraabay iyadoo ay I dul tagan yahay oday waayela oo leh way noshahay waar waa bilaa awood ee horta wax macaan u kena sida shaah oo kale iyo lama hayee geedkan agtena manaka ubaxa ee ku yala kaasa macane horta kaa sii, markii aan wax kala gartay ayuu I waydiyey odaygii su,aal adeer magacaa.waxaan ugu jawaabay anoo dalan adeer dadyawga addunka u nooli magacyo kala duwan ayay ii yaqanan bale deegaanka aan ku noolahay waxaa layga yaqanaa(SHINI) waxanan sameyee malabka macaan ee la cuno.
F.G waa sheeko mala awaal oo ka turjumaysa sida shinida dadka qaar ugu layaan macno daro

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
Mukhtarian.net@gmail.com
00252-634241542

Advertisement

Ku Xayeysiiso