Ku-Xigeenka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Yemen oo ka badbaaday Duqeyn Xero Tabobar oo ku taal Taiz..

Major General Ali Nasser Lakha, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Yemen, ayaa ka badbaaday duqeyn ka dhacday aagga Al-Khayami ee ka tirsan Gobolka Taiz ee Yemen.

Xogaha La helaayo ayaa sheegaya in xerada tababarka ee ciidamada ammaanka lagu duqqeyey Sawaariikhda Katyusha, inta lagu guda jiray munaasabadda xidhitaanka tababar ayna ka soo qayb galeen wasiir ku-xigeen iyo tiro ka mid ah hoggaamiyayaasha ammaanka iyo saraakiisha degaanka.

Dhanka kale, Houthis ayaa sheegtay inay ku duqeeyeen Gantaalo xerada tababrada ee Khiami Taiz, waxayna heegteen in ay ku dileen saraakiil ka tirsan ciidamada madaxweynaha Hadi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso