Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka

Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed  ayaa koox ka socota wasaaradda u diray gobolada Awdal iyo Gabiley.  

Kooxdan oo ujeedada socdaalkooda isugu jirto wacyigalin iyo xogogaal raadin ayaa waxa ay mari doonaan deegaano ka mid ah gobolada Gabiley iyo Awdal, iyaga oo beeralayda ka wacyigalin doona sidii looga hortagi lahaa  nooc diir ku cusub beeraha oo deegaanada qaar laga soo sheegay.

Kooxdan oo ka kooban Afar masuul oo ka tirsan waaxda Badbaadada beeraha ee wasaaradda horumarinta Beeraha oo uu hoggaaminayo agaasimaha waaxdaasi Maxamed Siciid Maxamed ayaa safarkoodu qaadan doonaa muddo sadex cisho ah.

Cumar Daahir Cumar oo kooxda ka mid ah oo ka warbixinaya ujeedada safarkooda ayaa waxa uu yidhi  “Anaga oo tixraacayna talo soo jeedintii ay noo soo jeediyeen wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamed Cilmi Aadan oo ahayd in aanu kooxdayadani aanu kormeer ku tagno qaybaha galbeed ee gobolada Awdal iyo Gabiley anaga oo kormeerayna xaalada dhul beereedka, xaalada abaaraha iyo xaalada ka jirta dhulkaa, kormeerkaasi oo qaadan doona muddo sadex cisho ah iyo anaga oo ka jawaabayna tibaax nooga timid deegaanada ruqi iyo qabri baxar oo ah inay ka jirto nooc diir ah”.

Kooxdan oo hadalkooda sii wadataa waxa ay yidhaahdeen “Kormeerka aanu ku soo kormerayno xaalada beeralayda ee dhul beereedka, taasi oo ay noogu jirto inaanu dadka ka wacyigalino oo aanu siino wacyigalin ku sabsan sidii ay uga hortagi lahaayeen nooc diir ah oo ka timiday 29 dal oo Afrika ah, taasi oo aanu sawiro ka tusi doona si aanu uga wacyigalino”.

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso