Somaliland iyo Puntland/Soomaaliya Dagaal MAYA ! Horumar HAA

Somaliland iyo Puntland/Soomaaliya

Dagaal MAYA ! Horumar HAA

Geeska Afrika oo la daalaa-dhacaya dhibaatooyin tiro badan oo ay ka mid yihiin Nabadgelyo darro, Abaaro, Shaqo-la’aan, Sixir barar baahsan ayaa hadana waxaa muuqda dad u haliilaya oo durbaan Colaadeed u tumaya dhiig daata iyo colaado hor leh oo macno-la’aan ah oo laga huriyo goobihii u degenaa Geeska Afrika ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland.

Waxaan shaki ku jirin in Colaad cusub oo dhex marta Somaliland iyo Puntland aanay dan u ahayn labada dhinac midna, sidoo kalana colaadaasi waxay waxyeello u geysan doontaa Dadweynaha masaakiinta ah ee markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyinka badan ee Abaaraha, Gaajada iyo Sixir-bararku uu halakeeyay, waxaana waajib ah in degdeg loo joojiyo Colaadaasi inta aanay faraha ka bixin.

Puntland iyo Somaliland midkoodna ma Xamili karaa Culays Dagaal iyo Colaad Cusub ?

Jawaabta oo koobani waa Maya !

Dhinaca Puntland markaan eegno waxaa xaqiiq ah in Xukuumada Cabdiweli Gaas ay dhibaatooyin aad u balaadhani haystaan, waxaa Magaalooyin badan oo Puntland ah ku hareeraysan kuna dhex jira kooxaha Al-shabaab iyo daacish oo weerarro joogto ah iyo dilal qorshaysan ka dhex fuliya Puntland, waxa kale oo aan wax mushahar ah aan muddo dheer qaadan Ciidamada Puntland kuwaasoo colaado kalana ay kaga furan yihiin dhinaca maamulka Galmudug, waxaana xaqiiq ah inaan wax dan ahi ugu jirin Puntland in dhinaca Somaliland ay colaad cusubi kaga furanto.

Dhanka Somaliland marka aynu eegno ma yara dhibaatooyinka is dul tuulan ee hor yaala Madaxweyne Muuse Biixi, dhibaatooyinkaas waxaa ugu waaweyn wax ka qabashada Sixir-bararka iyo qiimo jabka Shilinka Somaliland iyo kor u kaca miciishada oo boqolaal kun oo reer Somaliland ah saamayn ku yeeshay, shaqo la’aanta, Abaaraha soo muuqda iyo dhaymaha xanaftii doorashada iyo wax ka qabashada Qabaalada baahday ayaa sugaya sidii uu wax uga qaban lahaa, sidoo kale waxaa horyaala dib u habaynta maamulka iyo dhamaystirka Dawladiisa meelaha u dhiman. Sidaas daraadeed dani uguma jirto Colaad cusub oo ku bilaabanta Maamulkiisa oo Bil qudha jiray. Waxaana looga baahan yahay in Madaxweyne Muuse Biixi dib u jalleeco go’aankii geesinimada lahaa Xigmadana ku dhisnaa ee uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ka qaatay Xilli uu booqasho ku marayay Laascaanood taariikhdu markay ahayd 7dii Bishii December 2012 oo Ciidamo Puntlabd taageersanaa ay soo wareerareen Madaxweynaha iyo wafdigiiisa oo magaalada Laascaanood gudaheeda ku sugnaa, lagana soo saaray magaalada oo ay iskaga soo baxeen iyaga oo tudhayay si aan dadka shacbiga ah wax dhibaato ahi u gaadhin. Waxaana Dad badan oo reer Somaliland ahi ay culays ku saareen kana dalbadeen iMadaxweyne Rayaale in uu Weerar ku qaado oo uu Laascaanood isla maalintiiba qabsado laakiin Madaxweyne Daahir Rayaale wuu diiday inuu si caadifadi ku jirto oo bilaa qorshe ah uu dagaal u galo isaga oo ogaa Duruufta dhaqaale ee uu Dalku ku jiray waagaas iyo marxalada lagu sugnaa.

Ugu danbayn Somaliland waxay u baahan tahay dantuna ay ugu jirtaa Puntland oo Nabadgelyo iyo Horumar gaadha, sababtoo ah waxay Puntland Xijaab iyo Deyr u tahay Somaliland waxaanay kaga gudban tahay kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalamaya Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland Nabadgalyadeefu waxa uu dan u yahay Puntland oo dhaqaale aad u badan ka hesha Ganacsiga iyo isu socodka labada Shacbi. Sidaas daraadeed waxaa labada dhinacba ku Waajib ah inay dejiyaan xiisada sidii caadiga ahaydna looga wada shaqeeyo Nabadgelyada. Waxaanan ugu baaqayaa Dawladaha Jaarka ah aan ka codsanayaa inay soo faro-geliyaan arrintan oo aan dhibteedu ku koobnaan doonin Somaliland iyo Puntland

Dadku Waxay Rabaan Nabad iyo Nolol

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Wasiir ku Xigeenkii hore ee Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland

Bristol. UK
kaysar@diplomats.com

——————————————————————————————————————————

Advertisement

Ku Xayeysiiso