Daawo-Shirkadaha Qashinka Nadiifiyaa Kama howlgalaan koorfurta Magalada Hargeysa,Sababtu Maxay Tahay?

Hargeysa(Toggaherer)-Dowlada Hoose Ee Caasimada Somaliland Ayaa Nadaafada Qashinka Waxay U Igmadeen Shirkado Badax Banaan ,Hadaba Waxaa Jirta In Shirkadahaasi Aanay Si Isku Mid Ah Ugu Adeegin Shacabka Ku Nool Magalada Hargeysa ,Waxaana Koonfurta Magalada Hargeysa Ka Taagan Xaalada Nadaafad Daro Ah .

Inkastoo Ay Shirkadahaasi Nadaafada Ka Shaqeeya Ay Jirto Lacago Ay Ka Qaataan Shacabka Ay U Deegayaan ,Lacagahaasi Oo Aan Baarlamanka Somaliland La Soo Marin ,Hadana Waxaaba Liidata La Xisaabtanka Dowlada Hoose Caasimada Somaliland Ay Ku Dabogasho Shirkadahaasi Qashinka Maareyntooda Ay U Igmadeen .

Baarlamaanka Somaliland Hadda Waxa Uu Gacanta Ku Hayaa Xeerka Maareynta Guud Ee Qashinka Wadanka,Dhawaana Waxay Xogwareysi Kala Yeesheen Masuuliyiinta Dowlada Hoose.

Hadaba Xaafada Isha Boorame Ee Koonfurta Magalada Hargeysa Waxay Gabi Ahaanba Ka Liidataa Adeegyada Arrimaha Bulshada ,Iyadoo Ay Soo Foodsaartay Xaalada Nadaafad Daro Ah.

Halkani ka daawo muuqaalka xaafadaasi oo daris la noqotay nadaafad daro iyo shirkadaha qashinka oo gabi ahaanba gabay xaafadaasi:

Advertisement

Ku Xayeysiiso