Xildhibaan Ku Eedeysan musuqmaasuqa Dalka Ukraine oo ka Booday daaqad Si uu uga BAxsado Laamaha Amaanka!!!

Oleg Papenko, oo xubin ka ah baarlamaanka gobolka Odessa ee Ukraine, ayaa ka baxsaday cutub gaar ah oo ka tirsan Xafiiska Qaran ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Ukraine oo isku dayey in uu xidho.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay ku tuhunsan yihiin in Papinko isku dayey inuu laaluusho Kooxda Xafiiska La Dagaalanka Musuqmaasuqa Sida ay warisay Insider, kana soo xigtay ilo wargaleen ah oo ku saabsan adeegyada ammaanka ee Ukraine.

“Markii booliska la-dagaallanka musuq-maasuqa ay isku dayeen in ay soo xidhaan Papenko halka kuu ka degenaa magaalada Kiev, ayaa wuxuu ka booday daaqadda wuxuuna ka cararay,” sida ay sheegeen ilahani.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska La-dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa ku waramey inqolada baadhitaanku ay ka shakiyaan in xubin baarlamaan gobolka Odessa uu isku dayey inuu laaluush u siiyo nus milyan doolar xubin xafiiska ka tirsan si ay u xakameeyaan xisaabaadka shirkad gaar ah oo lagu soo oogay kiiska Qaadashada lacagta miisaaniyadda ee Odessa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso