War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan, waa inay isu oggolaadaan dawladaha Somalidu sida ay isu oggolyihiin dawladaha carbeed.

dawladaha Somalidu sida ay isu oggolyihiin dawladaha carbeed.

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Dawladaha carbeed waxa ay ku midaysanyihiin magaca carbeed iyaga oo dawlad waliba sideeda u taagan waxaa ka dhexeeya wada shaqayn wadajir is tixgelin ay u simanyihiin inkasta oo beryahan dambe tafaaruq ku yimi haddana kamay guurin is xigtaysiga carabnimo.

Aan iswadiinno sababta ay Somalidu u matali waayeen dawladahaas carbeed ee ilaashaday dhaqankooda, afkooda,diintooda.

ummadaha somaalidu way matli karaan sida dawladaha carbeed kuna dayan karaan ama kaba horrayn karaan iyaga oo dawlado badan ah xudduudahooda kala ilaashanaya isna qaddarinaaya.

Dagaal dhiig ayaa ku data Allah uu muslimiinta uga digay in xaqdarro lagu daadiyo, Waana lagu kala fogaada, Somalidu waa dad is wada xiga xigaalna wada ah in la kala fogeeyo aan loo baahnayn.

Waxaanu talo ku soo jeedin lahayn.

In laga waantoobo wax kasta oo dhibaato ku ah dawladaha Somaaliyeed.
In ay dawladda federaalka somaliya tixgeliso dawladaha la jaarka ah sida ismaamulka dawladda somalida , dawladda jamhuuriyadda Somaliland,
Lagana dheerdaado dagaallo aan wax faa,iido ahi ku jirin.
In ay dawladuhu ka wada shaqeeyaan iskaashi.
In ay xuuduhu isu furnaadaan ,sida carabta.
In laga koro afxumo is xaqiraad.
In la ilaaliyo walaannimada lagana digtoonaado cadowga oo loo nuglaado.

Allaah ayaa mahad leh innaga dhigay islaamka innagana dhigay kuwo isku tixgeliya. ammin
Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso