QARNAQSI KU SOCOTA SOMALIYA

GARNAQSI

 

Asalaamu calaykum dhamaan inta afsomaliga ku hadasha, Waxa weeye markii aan kala sheekeystay somali fara badan qadiyada Somaliland, Waxaan ogaaday inay qadiyada Somaliland ku majara habaabiyaan in ay tahay Somaliland inta ay degaan beesha dhexeoo qudha, Hadaba garnaqsigan waxay ku saabsan tahay:

1- 1960 – kii ma beesha dhexe go’aan ay gaadhay ayaa lagu tagay xamar?

2- Somaliland miyaa lagu khasbayey midnimadii 60-kii?

3- Xuduuda Somaliland ma inta ay degto beesha dhexe ayey ahayd?

Waxaan u malaynayaa qofkii caqli leh jawaabaha aad bay u fudud yihiin lakiin garawshiyo ayuun bay u baahan tahay. Tan kale Somaliland 1991-kii mawqif cad ayey ku gaadheen reer Somaliland masiirka dalkooda,

Waxaa la yidhi doqontu boqol indhood ayey leedahay, 99 waxay isaga ilaalisaa tolkeed, Midna cadawgeed, Waxaan ku leeyahay somaliya waxaad leedihiin sadex xad, Intaba dadkiina (reerihiinu) wey degaan wadamadaa jaarkiina ah ee haday daacad idinka tahay oo aad qabyaalad wax ku raadinaysaan, Somaliland waa somali waxba meel idinkama geyneysee ee bal kuwaa kale ee cadawga aad u taqaanaan maxaad uga xoreyn weydeen reerihiina, Farmaajo ehelkiisa badh baa dega itobiya markuu lugaha ka dhunkanayey ra’iisal wasaaraha itobiya muxuu u xoreyn waayey tolkii,? Gaas badh baa ehelkii degaan itobiya intuu Somaliland leeyahay waa alshabaab muxuu uga xoreyn waayey amxaarada walaaladii, Waxaa waa ruwaayad ay dadka u matalayaan ee xaqiiqdu waa Somaliland ayeysan dooneyn inay horumar gaadho, Waxaan u sheegayaa ama bile rafle oo oday tabliiqi faqasha noo soo dira ama iska daaya waa calaacashaa oo timo ka soo baxda in Somaliland ay ka tanaasusho xaduudooda xitaa hadii ay sida wajaale magaalada garoowe badhtamaheeda kala jarto, Nabada waxay u dan tahay kii garta lakiin caano Somaliland gacanta kuma hayso.

Waxaanan ku dhiiri galinayaa dawlada Somaliland inay maanta tahay fursad dahabiya oo aysan soo marin dawladihii ka horeeyey ee ay ku dhiirato inay xuduuda gaadhaan inta gobolada dhexe ay ku kacsan yihiin farmajo.

 

SHARMA’ARKE MAXAMED CUMAR

sheeq@hotmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso