Maxaa inoo diidaya inaynu ciyaarno doorkeena siyaasadeed ee Gobolka inagoo bilaa aqoonsi ah! W/Q Mohamed Abdirahman

Somalidu waxay mudooyinkii u dambeeyay ee Dawladii Somalia burburtay la tacaalaysay Siyaasad Xumo iyo in sidii Hilbo bisil maalinba dal ku casheeyo.

 

Somalilland oo iyadu ka duwan Qaybaha kale ee Somalia gaadhayna isku filnaansho Nabadgalyo iyo Mid horumarineed mudadii ay jirtay, waxaa hadana ay la dhutinaysay sidii ay ku kasban lahayd beesha caalamka iyo inay garawshiyo ka hesho sidii ay aqoonsi u heli lahayd.

Dunidu waxay aaminsan tahay Qaacidada ah in wixii loo rafaado loona dhidido la helo ugu dambaynta.

 

Mudadii ay jirtay Somaliland wax dadaal ah oo la taaban karo kama samayn Siyaasadeeda arimaha Dibada .Kaliya marka laga tagi waayo inaynu raaligalino una Dhago-Nuglaano hadba Dalkii dan inaga leh.

 

Maanta oo aynu marayno 2018 waxaa waajib inagu ah inaynu Siyaasadeeni Arimaha Dibada wax ka badalno kana qayb qaadano Hirdanka Siyaasada Gobolka iyo ta Dunidaba.

Geeska Africa ayaa wuxuu noqday Xarun ay ku hirdamayaan Dawladaha Quwada leh kuwa Carabta iyo Africa, iyadoo mid kastaa ka duulayo siyaasadiisa Dibada wuxuu ka soo jeestay dhankii uu ka helayay Danihiisa Siyaasadeed.

 

Dunida Markaad doorkaaga ciyaarto ayay ku soo joogsanayaan .Waxaa laysku qadariyaa hadba inta Galaangalkaaga siyaasadeed leeg yahay, waxaanan qabaa in la gaadhay xiligii aynu kaluunka ina hormar maraya kala soo bixi lahayn Badda inaga oon dhibaato ina gaadhin.

 

Dawladaha Carabtu wax Arxan ah oo ay inoo hayaan ama inoo galeen ma jirto,marka laga tagi waayo Xoolaheena Maalinta ay u baahan yihiina furaan markay doonan joojaan.

Dawladaha Carabtu waxay si wayn isku hayaan Tartan adag oo Gobolka ahina ka dhexeeya, Dalalka Turkiga iyo Iraan. Waxaana lagu tartamayaa Gacanka Badda Cas iyo Maamulka Bariga Dhexe.

 

Somaliland iyadoo Danteeda Gaarka ah ka duulaysa sidoo kalena Isku soo jeedinaysa Dunida, waxay ciyaari kartaa Doorar Badan, hubaalna ah in Dalal badan ay ku qasabto inay inoo dhaga nuglaadaan.

 

Dalalka ay Muhiim tahay inay Somaliland Xidhiidh soo dhawayn la yeelato waxaa ugu muhiimsan Iran iyo Eretria. Labaduba waxay ka qayb qaadan karaan Saamaynteena Gobolka iyo inaynu nahay Dawlad jirta oon la dhayalsan Karin.

 

Iran waxay muhiim u tahay inaynu isku soo jeedino Dalalka Carabta Halka Eretria ay muhiim u tahay inay inoo dhago Nuglaadaan Dalalka jaarka ahi. waana siyaasad uu hore u ciyaaray Madaxwayne Cigaal alle haw naxariistee ,waxayna ku qasbanaadeen inay inoo soo is taagaa. Balse mar dambe oo uu ka baxay meesha ayay halkoodii ka miiseen.Waxaa iyana Jirta Quwada Turkiga balse waqtigan inaga aan muhiim inoo lahayn.

 

Dawlada Iran oo ah Quwad aynu ku garaaci karno dalalka Carabta. Qaarbaa odhan doona Dawlada shiicada maxaa inaga galay. Dawladaha Reer Galbeedka een Diinta haysanba waa kuwa ka hawlgala Dalkeena markaa wax diidaya iyana ma jirto.

 

Iran waxaynu uga Faa’idaysan karnaa Ganacsiga Xoolaheena,Waxbarshada, Caafimaadka iyo Ciidanka dhisi dooda. Sidoo kale waxaynu la yeelan karnaa xidhiidh Dublamaasiyadeed iyo Saaxiib Gobolka ah.

Tani waxay dab ku shidi doontaa Doorka Carabta isa siisay Dalkeena ,waxayna ku qasbanaan doonaan inaynu waxaynu doonayno inoo sameeyaan ama inay inaga dheeraadan awalba waxba inoomay haynee.

 

Sidoo kale waxaa muhiim ah Gobolkana wax wayn ka badali kara xidhiidh ay Somaliland la yeelato Dalka Eretria kaasina wuxuu leeyahay muhiimad sidaynu soo sheegnay.

Wuxuu wax wayn ka badali doonaa siyaasadeena Dalalka Jaarka ah wuxuuna ku qasbi doonaa inaynu Gorgortan la galno waxaynu doonaynana is waydaarsano.

.

Xidhiidhka ay Somaliland la Leedahay Dalalka Djabuti iyo Ethiopia waxaa %90 faa’idada hela iyaga waxaana meesha ka maqan doorkeenii ay si dhab ah ay inoo Aqoonsan lahaayeen.

 

Ku darsoo Eretria Labada Dalba xidhiidhkoodu ma wanaagsana taasina waa ta ku qasbaysa inay ina maslaxaan.Waqtigan hada la joogo Inaad Dal iska raacdo adoon Faa’ido ku qabin waa dhibaato waliba inagoo halgan ka dheer kan dawladaha kale ku jirna oo ah Aqoonsi inaynu Dunida ka helno.

 

Rajo wayn ayaan ka qabaa in Dawlada Cusub ee Madaxwayne Muuse Biixi wax badan ka faa’idaysan doono sidoo kalena si wanaagsan Gartiisa u akhrisan doono .

Isku Soo wada Duubo Hadii aanaad Ciyaarin doorkaaga Siyaasada Gobolka waxaan shaki ku jirin In aynu noqonayno Hilbo Bisil oo halkooda loogu yimaado Si walna Laga Yeelo.

 

Mohamed Abdirahman

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso