Kuuriyada Waqooyi Oo ciyaartoy U Diraysa Kuuriyada Koonfureed

Hargeysa(Toggaherer)-Kuuriyada Waqooyi Oo ciyaartoy U Diraysa Kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Kuuriyada Koonfureed u diraysa ciyaartoy uga qayb gala ciyaaraha xiliga qaboobaha ee Olambigga sannadka 2018ka, sida ay sheegeen saraakiisha Koonfurta.

South Korean

Heshiiskan ayaa yimid ka dib markii masuuliyiin sarsare oo labada dal ka kala socda ay kulan yeesheen markii u horraysay muddo labo sano ah.

Kulankan ayaa billawday 10:00 saacada deegaankaas wuxuuna ka dhacay Guriga Nabadda ee ku yaalla tuulada wada xaajoodka ee Panmunjom.

Dadka Kuuriyada Koonfureed uga qaybgali doona ciyaarahaas waxaa ka mid noqon doono ciyaartoyda ciyaaraha fudfudud, masuuliyiin iyo waliba taageereyaal.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale soo bandhigtay in la mideeyo qoysaskii uu kala qaybiyay dagaalkii Kuuriya

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay joojisay barnaamij dhaqaale oo labada dal iska kaashanayeen, arrintaasina waxay timid ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay madaafiic iyo Nukliyeer.

Dhacdadaas ayaa keentay in Kuuriyada Waqooyina ay jarto xiriirkii isgaarsiineed ee kala dhexeeyay Kuuriyada Koonfureed.

South Korean

Bishii Diseembar ee 2015kii ayaa ugu dambaysay wadahadal heer sare ah oo ay labada dal yeeshaan.

Xiisadda labada dal u dhaxaysana cirka ayay isku sii shareertay muddo sannado ah iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay sii waddo hormarinta barnaamijyadeeda hubka ee la mamnuucay.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso