Hay’adda Shaqaalaha Dawladda too Tijaabisay Qalabkii Diiwaangelinta Shaqaalaha

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta tijaabadii ugu dambaysay ka qaadday qalabka casriga ah ee tirinta iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda, waana ta loogu talagalay in ay sugto tirada shaqaalaha isla markaana meesha ka saarto cid walba oo isku dayi jirtay in ay laba meelood ama ka badan mushahar ka qaadato.

Tirintan ayaa sahli doonta in shaqaalaha la tayeeyo, iyada oo isla markaana si dhab ah loo ogaan doono baahida shaqo ee jirta oo albaabka u furi doonta in la qaato shaqaale cusub kuwaas ku salaysan baahida rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda oo wadata waajibaadkeedii (TOR).

Qalabka Bu’da isha lagu sawirayo “Iris Recognition Technology” iyo ka summada farta dheegaya “Finger Prints” ayaa dhamaad u noqon doona madax-tiriska shaqaalaha dawladda kuwaas oo meesha ka saari doona shaqaalaha aan jirin ee dhoofay ama dhintay laakiin weli miisaaniyadda qaranka ku jira.

Waxaa sidoo kale shaqaalaha dawladda loo samayn doonna kaadhka aqoonsiga “ID card” oo wax badan ka anfici doona xagga aqoonsiga shaqaalaha looguna talagalay in uu noqdo ka ay mushaharkooda baanka kaga qaadan doonnaan mustaqbalka dhow.

Advertisement

Ku Xayeysiiso