Waa Sıdee Cadhadaadu? Kadim .M .Ali

Maqaalkan waxaynu ku eegaynaa arrimo la xidhiidha Cadhadha. Cadhadu waa dareen abuur ah oo ka mid ah lixda nooc ee dareenada qofku dareemo. Cadhada waxa ku jira xikmado iyo faa’dooyin uu qofku ka helayo. Cadhada oo ah mid qofkastaa uu dareemo , qofkastaana xilliyo kala duwan iyo siyaabo dhawr ah uu ku muujiyo cadhadiisa. Haddana waxa muhiim ah in qofkasta ogaado laba arrimood oo kala ah: Nooca cadhadiisu tahay inuu barto iyo cadhada uu qofkani dareemayo sida ugu wanaagsan ee uu u muujin karo ama u qarin karo. Labadaas qodob ayaynu maqaalkan ku qaadan doonaa.

Ugu horayntii dadka cadhadooda marka la qiyaasayo waxa loo loo qaybiyaa afar nooc ama afar qof.
1- Qof ayaa waxa uu u cadhoodhaa si dhakso ah , laakinse wakhti badan ayay qaadata inuu ka soo noqdo cadhadaasi.

Cadhada noocan oo kale waa ta ugu xun afarta nooc ee cadhada. Qofka cadhadiisu sidan oo kale tahay waa qof arrin fudud ka cadhoon kara , haddana ay adag tahay in la raaligeliyo. Sidaa darteed bulshada la nool waxa dhib ku noqonaysa inay la dhaqmaan. Dhibaatada cadhada qofkani leeyahay ayaa keenaysa in dadku ka feejignaadan cadhadiisa . Sidaa darteed dadku marka ay arkaan isaga oo arrimo aan macno badan lahayn ka cadhooday , haddana ay wakhti badan qaadanayso inay cadhadu ka degto . Waxa ay samayn doonaan inay keliya hadalkiisa dhagaystaan waxa uu doonayna u qabtaan si cadhadiisa looga nabadgalo.

2- Qof dhakso u cadhooda laakinse cadhada hore uga soo noqda.
Qofkan noocan u cadhooda, kaliya waxa uu u baahan yahay in la barto ama la saadaaliyo arrimaha ka cadhaysin kara , saadaalintaas oo inaga caawinaysa inaynu iska ilaalino inaynu kala hadalno ama ku samayno arrimaha ka cadhaysiin kara. Sidoo kale waxa aynu kula dhaqmi karnaa qofkan inaynu barano arrimaha markiiba ka farxin kara. Inaga oo qiimaynaya khibradi aynu ka aragnay cadhooyinkiisi hore!

3- Qof ay adag tahay sida uu ku cadhoodo , haddii uu cadhoodana aan dhakso uga soo noqon.
Qofka sidan oo kale u cadhoodaa waa mid aynu ka dheehan karno in kaliya arrin wayni ay ka cadhaysiiso. Balse cadhada ayuu ku raagayaa . Sidaa darteed waxa haboon in sida shakhsiyadiisa ku haboon loo raaligeliyo. Sidoo kale waa in la siiyo wakhti ay cadhadu kaga dagayso. Tusaale ahaan waa in aan la xasuusin arrinta ka xanaajisay ama qofkii ka cadhaysiiyay.

4- Qof aan dhakso u cadhoon , haddii uu cadhoodana markaba ka soo noqda cadhadaasi.
Cadhadani waa nooca ugu fiican noocyada cadhada. Waayo qofkan arrin adag ayaa ka cadhaysiin karta , laakinse qofkani waxa uu isku darsaday aqoon , dulqaad iyo ka-fiirsi. Saddexdaas isaga oo isticmaalaya ayaa uu ku qiimaynaya xaaladaha ku haboon inuu ka cadhoodo , iyo heerka cadho ee ay xaalad kastaa u baahan tahay. Xaaladaha marka uu qiimaynayana kama eegayo kaliya xagiisa balse waxa uu ka eegayaa waliba dhinaca arrinka cadhada ku keenay isaga oo baadhaya sababaha keenay arrinkan , sidoo kalena u samaynaya cudur-daaro cidii ka cadhaysiisay. Sidaa darteed waxa aad arkaysa isaga oo isla markiiba faraxsan!

Qaybta labaad ee maqaalkan waxaynu ku qaadanaynaa “su’aalo inaad cadhooto inay sax tahay tahay aad ku ogaan karto”:

 Ma u cadhaysanahay qofkii saxda ahaa ee inaan cadhoodo sabab u ahaa ?
 Wakhtigan aan cadhooday ma yahay xilligii ku haboona inaan cadhoodo ama ma yahay xilligii aan cadhadayda muujin lahaa?
 Cadhadan aan cadhooday ma sababtay arrin runtii ah mid laga cadhoodo?
 Cadhadan aan cadhooday fal-celintii aan ku qaabilay qofkii ama arrinkii iga cadhaysiiyay ma ahaayeen fal-celintii ku habboonayd?
 Cadhadan aan cadhooday fel-celintii aan ka bixiyay ma ahayd mid aanay ku jirin xad-gudub aan ka galay cidii iga cadhaysiisay?
 Cadhadan aan cadhooday wixii sababay muuqaal lagu qosli karo oo cadhada iga yarayn karaa ma ku jiray?

Ugu dambayntii waa inaynu barano nooca cadhadeena. Kuna dadaalo inaynu noqono dad aan hore u cadhoon , haddii ay cadhoodaana , aynu noqono dad markiiba si fudud loo raaligalin karo .Sidoo kale waa inaynu barana sidaa loo qiyaaso waxyaabaha keenay inaynu cadhoono iyo sida ugu wanaagsan ee aynu cadhadaas uga jawaabi lahayn. Inaga oo markasta ku dedaalaya inaynu noqono dad aqoontooda iyo diintoodu ay ka dhigtay qaar xaaladaha kaga jawaaba dulqaad iyo ka -firsi joogto ah.

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay labadan buug :
 With the prophet (ARABIC) SALMAN AL-AWDAH .
 Who will cry when you die ?
ROBIN SHARMA.

Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:
http://Www.Medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso