Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Safar Ugu Baxay Maanta Dalka Jabuuti Oo Uu Marti-qaad Rasmi Ah Ka Helay Madaxweynuhu

Hargeysa(ToggaHerer)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynuhu uu ka helay marti-qaad rasmi ah, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport, salaan sharafna ka qaatay cutub ka mida ciidamada.

Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona maalmo kooban, waxaana marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu safarkani noqon doonaa mid sii xoojiya wada shaqaynta labada dal ee walaalaha isla markaana jaarnimadu ka dhaxayso, iyadoo ay labada madaxweyne ka wada hadli-doonaan xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Waxa Safarka ku wehelinaayey:
1. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire
2. Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Md. Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon)
3. Wasiirka Caddaalada, Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye
4. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan
5. Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland, Sareeyo guuto Cabdi Xirsi Ducaale

Advertisement

Ku Xayeysiiso