Farmaajo Dab buu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire) By: Ali Xaruuri

Farmaajo Dab buu ku ciyaarayaa. (Farmajo is playing with fire)

   By: Ali Xaruuri

Faragelinta iyo Xadgudubka Somaliya ee ku  wajahan Somaliland waa kuwii ugu darnaa tan iyo 1991.  Mawqifka Xukuumadda Farmaajo waa mid xagal daacinaya wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya,  waana mid halis ku ah dadaaladdii iyo fursaddahii lagu abuurayay jawi suurta geliya in heshiisyo waara lagu gaadho oo la noqdo 2  dal oo  deris ah.

 

Afxumo colaad waxba kaagama tarto nabaddna way kaa kaxeysaa.

 

Gardarrada  iyo Daandaansiga qaawan ee noocan ahi waa qaar keeni kara cawaaqib xumo oo dhaxal xumo ku reebi kara labada shacbi ee walaalaha ah.

 

Ficiladan isa soo taraya ee sheegashada hawada Somaliland iyo ku xadgudubka dhulkeedu waxay muujinayaan in Dawladda Xamar aanay doonayn wax wada-xaajood ah,  oo aanay marnaba daacad ka ahayn wada hadalkii u socday muddada dheer, haatanna ay isku dayeyso in ay minjo xaabiso heshiisyadii hore loo gaadhay. 

 

Ujeeddada Farmaajo iyo wuxu uga dan leeyahay arrimahaasi “waa qiiq isku qarin”  iyo inuu Shacbiga ka jeediyo  xaqiiqada jirta,  kadib markii uu ku guul-darraystay xilkii loo igmaday oo Dadweynihii  ku hungoobeen.  Ma aha markii uu tahli kari waayay inuu xal u helo arrimaha gudihiisa inuu bilaabo hawl-gallo qar iska xoornimo ah.

 

Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayee.

 

Maha in maamulka Muqdisho uu murrankii badda ee Kenya kala dhexeeyey uu isku dayo inuu uga xuub siibto sheegashada hawada Somaliland. Somaliya waa in ay hurdada ka toostaa oo ogaataa in tallaabooyinka noocaasi ahi aanay meelna gaadhsiinayn.

 

Falaadhi gilgilasho kaagama go’ do 

 

Somaliya waa in ay maanka ku haysaa in aan cidna sharci darro ku siin karin hawada Somaliland,  Somalilandna aanay marna iyo sinaba u aqbali karin in hawadeeda la qaato,  isla markaana u  dulqaadan doonin in lagu soo xadgudbo ciiddeeda.

 

Somaliland Guul iyo Gobonimo

 

Qalinkii Cali Xaruuri

Holland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso