Warqad Gacanta uu ku Qoray, Dardaarankii Cali Cabdale Saalax: Haddii aad akhridaan fariintayda, ogow!

Sam Al-Ghabari, oo ah suxufi Yemeni ah oo ka ag dhawaa madaxweynihii Yemeni Ali Abdullah Saleh, ayaa daabacay nuqul warqad ah oo uu sheegay inay tahay dardaarankii ugu dambeeyey ee uu soo gudbiyey wiilashiisa iyo Shacbigiisa.


“Haddii aad heshaan waraaqdan, waxaad ogaataan inuu dalku qaali yahay” ayuu ku yidhi waraaqda Salih una muuqata mid si degdeg ah loo qoray.

Waxaanu kula dardaarmay Caruurtiisa , Shacabkiisa iyo ninka uu warqada u soo dirayba kulana taliyay inaysan is dhiibin, Iyo in aanay hoos u dhigin Jamhuuriyadda Yemen, Xilligan la joogo waxaan arkayaa naftayda kali ah iyo qaar badan oo ka mid ah Khaa`imiinta Qiimaha jaban ku iibiyey Yemen.”

Farriinta ayuu ku soo gabagabeyay “salaanta dadka Yemen”, hadday farriintu sax noqoto, wuxuu dareemayay wakhtiga soo socda: “Waxaynu ku kulmi doona Jannada Fardawsa Al-Acla.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso