Guddida Ilaalinta iyo Dabogalka Hantida Qaranka Somaliland Ayaa Maanta Kulan Xogwareysi Ahaa La Qaatay Masuuliyiin ka Socotay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud Ee Qaranka Somaliland.

Hargeysa(Toggaherer0-Guddida Ilaalinta iyo Dabogalka Hantida Qaranka Somaliland Ayaa Maanta Kulan Xogwareysi Ahaa La Qaatay Masuuliyiin ka Socotay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud Ee Qaranka Somaliland.

Kulankaasi saddex geesoodka ahaa oo ay xarunta Baarlamaanka somaliland ay ku yeesheen mudanayaasha gudida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka somaliland iyo masuuliyiin ka socotay xafiiska hanti dhowrka guud iyo xisaabiyaha guudEe qaranka somaliland.
Gudoomiyaha Guddida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka somaliland ee golahaasi wakiilada Xildhibaan naasir cali shire ayaa si faahfaahsan uga waramay ujeedada uu daaranaa kulankoodaasi xogwareysiga ahaa oo dib loogu naqishaayey xisaab xidhadii 2016ka waxyaabihi ka fulay .
dhankiisana hantidhowrka gud ee qaranka Somaliland ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey kulankoodaasi waxa uu daaranaa iyo waxyaabihii ay ka wado hadleen,waxaanu hantidhowrka qaranku kulankoodaasi ku sifeeyey mid lagu kobcinaayo miisaaniyada qaranka Somaliland.
Geesta kalena xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa warbaahinta ka gaabsaday isagoon la hadlin ,waxaanu goob joog ku ahaa xafiiska gudida ilaalinta iyo dabogalka oo uu kulankaasi maanta ka qabsoomay.

Waxaan warbixintan soo diyaariyey iskuna Soo daboriday Mr-(Ayuubi).Halkani Hoose Guji:

Warbixinta qodob wareedkani waa tan.

Muuqaalkani waa Gudida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka iyo Masuuliyinka kala socotay xafiiska hanti dhowrka qarankaiyo xisaabiyaha guud qaranka somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso