Af-hayeenka Barkhadle Oo Bogaadiyay Agaasime Cumar Sayid Oo La Magacaabay .

 

Afhayeenka Ururka Barkhadle Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Agaasime Cumar Cabdilahi Aadan (Cumar zayid) Oo markalle Madaxweynaha Jzl Digreeto Madaxweyne Ku Magacaabay.

Afhayeen Maaxamed Suudi Gobdoon ayaa hambalyeeyay agaasimaha cusub isla markaana sheegay inuu markalle u qalmo buuxinta booskaasi isagoo aqoon iyo waayo aragnimo u leh shaqada loo magacaabay sidoo kalle horumar la taaban karo gaadhsiiyay wasaarada mudadii uu xilka hayay.
Waxa uu afhayeenku ku amaanay madaxweyne muuse biixi cabdi sida uu ila hada xilalka dawlada u magacaabayo shaqsiyaadkii ku haboona oo waliba dhalinyaro u badan.

Afhayeenku wuxuu hadalka kusoo gabagabeeyay inuu kalsooni buuxda ku qabo in agaasime cumar cabdilahi aadan halka wasaaradu taagantahay hore uga sii wadi karo hadii eebe idmo.
Wabilaahi tawfiiq

Advertisement

Ku Xayeysiiso