Hargeysa(Toggaherer)-Wasiirka arrimaha Dibedda Zambia Oo isku casilay Arrimo Facebook.

Hargeysa(Toggaherer)-Wasiirka arrimaha Dibedda Zambia Oo isku casilay Arrimo Facebook.

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Zambia Henry Kalaba ayaa iska casilay xukuumadda dalkaas, isaga oo qoraal dheer oo uu Facebook soo dhigay ku eedeeyay dowladda uu ka tirsanyahay musuqmaasuq, hunguri weynin, iyo maamul xumo.

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Zambia Henry Kalaba

Balse dadka siyaasadda u dhuun duleela waxa ay sheegeen in iscasilaadda wasiirka ay tahay cadaadis la saarayo madaxweyne Edgar Lungu oo markii seddexaad xilka isu soo sharaxaya, halka dastuurka dalkaas uu qabo in labo jeer oo kaliya uu qofka xilka hayo.

Henry ayaa la sheegay in uu isaga ka midyahay musharixiinta xisbiga talada haya ee isu taagi lahaa xilka madaxtinimada haddii madaxweynaha uu wadada u baneeyo.

Qoraalka uu Facebook soo dhigay ayaa laga bixiyay kumanaan faalo.

Xafiiska madaxtooyada ayaanan wali wasiirka ka helin wax warqad rasmi ah oo iscasilaad ah marka laga tago qoraalka Facebook uu ku daabacay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso